Mahadsanid Mudane Madaxweyne (Axmed Maxamed Siilaayo)

Qofka aan Adoomaha ALLAH(SWT) u mahadnaqan Allah(swt) na u ma madadnaqo,in kasta oo aanan sugi Karin xadiiska sheegaya arintaas saxaaxnimadiisa iyo daciifnimadiisa hadana waa mid aan ka maqlay dadka somaliyeed uun, hadii aan sheegay xadiis aan ka sugnaan nebigeenii Maxamed(nabadgelyo korkiisa Allah ha yeelee),kuma been abuuranayo ee Alle ayaan cafis waydiisanay inuu iga dhaafo waxaa aan jahli ahayn iima gene,dadka aqoonta u lihina waa waajib inay I saxaan,hadii aan soo qaatey xadiis ka sugnaadey nebigeena suubana Alleh miisanka xasanaadka ha iigu daro.

Waxaa aan Rumeysanahay in mahad dhamaanteed ALLAH (SWT) u sugnaatey,mahada aan adoomada Alle u mahad naqdaa waxa iska leh Allaha abuurey Adoomada. Intaa hadii aan ku dhaafo sharaxaa guud ee la xidhiidha mahadnaqa.

Haddii aan u soo noqdo mawduucaygan oo u gaara mudane Axmed oo ah madaxweynaha talada haya maanta ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo  wuxu ku dhashayDegmada Burco Waxbarashadiisii dugsiyada Hoose ,Dhexe, iyo dugsiga sare wuxuu ku dhammaystay Dugsiyadii Sheekh iyo Cammuud mudadii u dhaxeysay 1946kii ilaa iyo 1960kii.

1960kii ilaa 1965kii wuxuu Axmed Siilaanyo ku jiray jaamicadda Magaalada Manchester ee dalka Britain, halkaasoo uu ku qaatay shahaadooyinka Bachelar degree iyo Master ee cilmiga dhaqaalaha.intaasi waa taariikh koobane ee marxaladii hore nololsha mudanaha.

sababta mahadnaqeygan:

 

  1. A) Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo Aniga:

Afeef aniga iyo mudanaha dano shaqsi ah iyo aqoon gaar ahi nagama dhaxayo oo aan ahayn tan xilka uu hayo iyo mida guud ee oday somaalilander ah,anigu waan aqaanaa balse isagu ima yaqaan wligeyna lamaan kulmin sabtoo ah:-

1-      Anigu kama mid ahi xisbiga Kulmiye ee uu hogaamiye u yahay Axmed

2-      Xil weligay kama qaban dawladihii kala duwanaa ee soo maray Somaliland

3-      Xisbiyada Somaliland Midna kamaan mid noqon xubinimadiisa

4-      Shaqo doona ma ahi oo waxaan ahayd muwaadin iskii u shaqaysta (self-employed).

5-      Waxaa ahay qoraa madax banaan oo mudo 15 sano ka badan wax ka qoreyey arimaha siyaasada ,wadaniyada,caafiimaad,waxbarasha iyo arimaha bulshada.

6-      Mudane Axmed isku reer ma nihin,saaxiib ma nihin, balse waxaan u arkaa inuu mudan yahay in aan mu mahadnaq, Waayo?

  1. A) HALGAMAA QARAN:
  2. i) Wuxuu ku suntan yahay Siyaasi rug cadaa ah oo Qarankan Somaliland talo,tusaale,naf iyo maamlba u huray. Ugu horeyn markii uu dhameystey waxbarashadiisii wuxuu ku soo noqday dalkiisa oo uu ka bilaabay inuu wixii uu soo bartey uga faa’iideeyo waayo laga soo bilaabo 1965kii ilaa Oktoober 1969kii, Wasaaraddii qorsheynta ee dawladdii Soomaaliya ee rayidka ahayd ayu ka soo shaqeyey isagoo gaadhay darejada Agaasime Guud.
  3. ii) Markii militerigu taladii dalkii somaliya afgambi kula wareegeen 21kii Oktoober 1969kii, waxaa Axmed Siilaanyo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta. Muddo kadib waxaa laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Guddoomiyaha Guddiga dhaqaalaha qaranka ilaa 1982kii oo uu ka goostay dawladdii kacaanka.

iii)                 Muddadii u dhexeysay 1984 ilaa iyo 1990, wuxuu Axmed Siilaanyo ahaa guddoomiyaha ururka SNM. 18 May 1991kii shirweynihii Magaalada Burco ee beelaha Somaliland iyo ururkii SNM kaga dhawaaqeen goonni isutaaga Somaliland wuxuu Axmed Siilaanyo ka mid ahaa hogaamiyayaashii hormoodka ka ahaa nabadeynta iyo heshiisiinta beelaha Somaliland wada dega.

  1. iv) Axmed siilaanyo wuxuu xubin ka noqday baarlamaanka Somaliland 1993kii ilaa 1997kii. 1997kii ilaa sannaddii 2000 dawladdii Somaliland ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, wuxuu Axmed Siilaanyo ka soo qabtay jagooyinka wasiirka wasaaradda Maaliyadda iyo wasiirka wasaaradda Qorsheynta, isagoo markii danbe iskii isu casilay.
  2. v) Sannadkii 2002, wuxuu ku dhawaaqay Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE oo uu guddoomiyena ka noqday.
  3. vi) Wuxuu ku kal soon yahay oo ku filnaadey qarankiisa oo weli laga maqal erey lid ku ah qaranimada somaaliland .

 

  1. B) GO’AAN QADASHO ADAG

Mudane Axmed siilaanyo wuxuu ku si foobey go’aan qaadasho wanaagsan,oo ah mid ku haboon wakhtiga.taasina waa mida lagu yaqaan hogaamiyaha wanaagsan, waayo?

  1. i) 1982kii, oo uu Axmed Siilaanyo tegay London wuxuu markiiba ku biiray jabhaddii dhaqdhaqaaqa waddaniga soomaaliyeed ee SNM, isagoo noqday wakiilka xafiiskii SNM ee London.
  2. ii) 1988 Axmed Siilaanyo wuxuu hogaaminayey go’aankii ururkii SNM ku gaadheen in aaney is dhiibin ee ay dhulkooda gudaha u soo galaan ka dib markii Dawladii Somaliya iyo Ethoipia ku heshiiyeen in hubka laga dhigo jabhadihii ay labda dhinac taageeri jireen.

iii)                 Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee April 2003, tartankii Madaxweynaha waxaa Axmed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisii Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax lagaga helay 80 Cod, taasoo ay aqbaleen.

  1. C) BALAN OOFIN IYO ISKU KALSOONI

Mudane Axmed Siilaanyo waa shaqsi isku kalsoon,oo karti u leh in uu si kalsooni leh uga hadlo runta.Mudane Axmed waxaa lagu xasuusandoonaa balanqaadyada uu fuliyey:

  1. i) Ciidamada Qaranka oo uu ku guuleystey darajooyinkooda in la meel mariyo taas oo kor u qaadey niyada,anshaxa,sharafta iyo kala dambeynta ciidamada qaranka
  2. ii) Wadooyinka dhaadheer ee dalka uu ka fuliyey waxaana taariikhdiisa u gelaysa wada ceerigaabo.

iii)                 Waa Madaxweynihii Somaliland ee ugu horeyey ee ogolaada in Somaliya lala furo wada hadal danaha labda dal inkasta oo wax guul ah laga gaadhin.

  1. iv) Dhismaha xarumaha dawlada ee wasaaradaha,wakaaladaha iyo hayadaha dawlada oo intooda badan maanta ku jira xafiisyo casri ah.
  2. v) Dhaqaalaha iyo kobcintiisa oo uu heshiis dhaqaale oo lagu balaadhinayo dekeda barbar oo uu la galey dawlada UAE, kaas oo ah heshiiskii ugu weynaa ee dhinaca malgeshiga ah ee Somaliland la gasho dalkale intii ka dambeysey 18 May 1991.
  3. vi) Dhinaca nabadgelyada waxaa uu taariikhda markii ugu horeysey isku keenay dhinacyadii siyaasada Somaliland isku hayey daahir riyaale Somaliland oo mid aka muu tegin balse Mudane Axmed Siilaanyo waxaa uu soo dhameystiray mideynta dhinaca siyaasada ee Somaliland waxaa ugu dambeyey heshiiskii khaatumo iyo Somaliland.

vii)               Waxaa Kale oo Xusid Mudan waa Madaxweynihii ugu horeyey ee Somaliland ee isaga oo doorasho in uu isu soo taago xaq u leh yidhaada intaa ayaa igu filan ee saxiibadayda ayaan u dhaafey.

SIDAAS DARTEED MUDANE MADAXWEYNE KOL HADII AAD KU GUULEYSATEY IN AAD MUDO KOOBAN KU QABATEY HAWLAHAASI OO DHAN WAAN MUDAN TAHAY IN AAN KU MAHADNAQO WAXANA AAD KU GULEYSATEY ABAAL MARINTAN:

GOB AND SUCCESS AWARD 2017

Mahadsanidiin dhamaantiin,Allah(swt) ayaa ay u sugnaatey mahad dhamaanteed

M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalism

©Hogaanka.wordperss.com