Magaalo Raga Lagu Amray In ay Caruurta Hayaan Habeenkii Si Ay Dumarku Magaalada Ugu Caweeyaan.

(SLT-Bucaramanga)-Raga ku nool magaalada ku taala dalka Colombia ee la yidhaahdo Bucaramanga ayaa loo sheegay in ay guryaha iska joogaan, si dumarka magaaladu ay habeenkii isaga caweeyaan magaalada oo ay u dukaameystaan sida ay jecelyihiin iyaga oo nabadgelyadoodu sugantahay.

Raga iyo caruurtooda waxaa loo sheegay in ay guryaha iska joogaan, iyaga oo xaasaskoodana si khasab ah fasax loogu siiyay in sida ay doonaan ay magaalada isaga dhex meer meeraan, waxaa magaalada Bucamaranga lagu diyaariyay goobo farabadan oo lagu dhigayo ruwaayado dumarka u gaar ah, kaniisadahu waxay bilaabeen khudbado dumarka u gaar ah, halka dukaamada iyo goobaha kale ee ganacsigu ay u diyaar garoobeen in ay soo dhaweeyaan dumarka si ay faaiido badan u sameeyaan iyaga oo u sameeyay qiimo dhimis.

unnamed

 

Magaaladan Bucaramanga dumarka ku nool waxa ay waajahayeen dhibaatooyin farabadan oo ka soo food saara ragooda, kuwaas oo mararka qaar la sheego in ay kula kecaan falal ka dhan ah xuquuqda lamaanaha oo ay ka mid yihiin garaacis iyo jidhdil kale, habeenkan loogu talagalay in dumarka oo keliya ay socdaan waxaa soo jeediyay Badhasaabka gobolka Santander ee Bucaramanga ay ka midka tahay, sidoo kale Maayarka magaalada iyo gudida ganacsiga ee magaaladaasi.

Qaar ka mid ah dumarka magaalada Bucaramanga oo la hadlayay barnaamijka BBC-da ee Outside Source maalinimadii Jimcihii, waxay sheegeen in ay iyaga u ahayd habeen farxadeed, waxaana ay maamulka magaalada ka codsadeen in raga lugu sii siyaadiyo bandowga si dumarku ay magaalada isaga dhex mushaaxaan oo raga looga tago hawlaha guriga in ay qabtaan.

Magaaladan ku taala waqooyiga bari ee dalka Colombia waxaa ku nool dad tiradooda lagu qiyaasay 530,000 oo qof , waxaana laga cabsi qabaa in ugu danbeynta magaaladan ay la wareegaan dumarku oo ay ka qabtaan xilka duqa magaalada oo hadii ay taasi dhacdo raga magaalada ay cabsi weyn soo foodsaari doonto iyada oo ay suuragal tahay in dumarku ay ka aargoostaan falalka xiliga ay guriga joogaan ay ragu kula kacaan.

Magaaladan Bucaramanga waxaa aad ugu badan kufsiga iyo dilalka xiliga habeenkii dhaca, waxaana la aaminsanyahay in hadii ay sii socoto in magaalada ay dumarka uun u shidnaato xiliga habeenkii ay gebi ahaanba meesha ka saari karto kufsiga iyo tacadiyada kale ee dumarka loogu geysto magaaladan gaar ahaan marka uu shaacu madoobaado.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday