Magaaca Maqaalku: Shan Baan Hayaa Shaqaan Rabaa. (Waa Codka Boqolkiiba 75% Dhalinyarada )

Bangi la’aanta ( the lack of a functioning banking system in the country) ayaa hortaagan nololwanaagga bulshada iyo horuumarka dhaqaala ee Dalka.

Jumhuuriyadda Somaliland:

Qiyaasta dhulak: 53,000 sq.meters

Cadadka Somalilanderska: 4000000 approx.( 75% dhalinyaro)

Shaqola’aanta:85-90%

Qalinjebinta : 2000 – 3000 saanaddii.

Tahriibta: ka soo qaad (isku celcelin) inay 300 tahriibaan sanaddii:

Haddii 10 sanaddiiba X 300 = 3000 da’yar ah oo laga yaabo in 50% dhintaan.

Xalka waxa ka mid horuumarinta dhaqaalaha dalka oo ay ugu horrayso in Baanan tijaari ihi yimaaddan Dalka.

Bangiyadu magacyo badan ayay leeyihiin, shaqooyin badan oo kala duwanna waa qabtaan.

Ha yeeshee waxaynnu soo qaadanaynaa Bangiyada loo yaqaanno Bangiyada tijaariga ah iyo sida ay uga qaybqaataan nololwanaagga bulshada iyo horuumarka dhaqaalaha waddanka.

Haddii baanan tijaari ihi waddanka ka shaqaynayaan:

1.Dhoofinta xoolaha nool iyo soo dejinta bidaacaduhu waxay ku soconlahaayeen habka caalamiga ah ee Ictimaadada loo yaqaan.

2. Marka badeecadda lagu soo iibsado Ictimaad waxay ka jabnaanlahayd tan laga keeno Dalaka carabta boqolkiiba 40-45% . Kaydka lacagta adagina intaa kama yaarateen.

3. Sicir bararku maanta ah slsh 7000 = $1 wuxuu hoos ugu dhicilahaa 50% =slsh 3500 =$1

4.Waxay baananku maalgelinlahaayeen qaybta ganacsiga gaarka loo leeyahay “The Private sector” oo dhisilahaa wershadaha: sibidhka ,Hilibka iyo wixii la halmaala, kaluunka,sharaabka,midginta Hargaha,kabaha,fooxa iyo xabagta iyo milixda iwm

1. Shaqo la’aantu kama badateen 20-30% halka maanta ka tahay 85-90% tahriibina ma jirteen

2. Dalka qaybtiisa ganacsiga gaaarka haddi ay horuumar fiican samayso noloshada afarta milayan ee bulshada Somalilanderska ihi si hawl yar ayay u daryeelmikartaa.

2yyy(1)

Baananka tijaariga ah ee islaamiga ah:

1. Baananka islaamiga ihi waxay muujiyeen awood ay kula tartamaan Dhigooda soo jireenka ahaa ee aan islaamiga ku shaqayn. Waxaa xaqiiqa noqotay in bulshadii muslimka ahayd badankeedu u wareego Bangiyada islaamiga ah dabeed kii aan islaamiga ahayna ay qasab ku noqotay inuu ku shaqeeyo habka shariihcada islaamiga ah.

2. Caalamka oo dhami , ay ka mid yihiin 23ka dawladood ee carabta ah ee ay JSL ka midka tahay waa ogolaadeen inay labada baan ku tartamaan waddan walba.

3. Xeerka baananka tijaariga ah ee dooddiisii ka bilaabantay Golaha wakiilada ayaa waxaa ka soo horjeestay qayb culimada ka mid ah oo sheegtay in Baananka tijaariga ah ee ribada ku shaqeeya aan la ogolaankarin inay JSL yimaaddan oo ka shaqeeyaan haddaanay habka shareecadda islaamka ku shaqaynayn. Waa xaqiiqa inaan cidina xalaalaynkarin wax ilaahay xaaraantimeeyay , hayeeshee waxaa ayaduna iftiimin u baahan : waxa Makkana labadii baan ku tartamayaan oo aan laga xaaraantimayn Somalilandna laga xaarantimeeyay. Waa arrin u taala Culimada JSL.

Bankiga Dhexe ee Somaliland:

1. Marka baananka tijaariga ihi waddanka ka furmaan ayaa Bangiga dhexe awooddiisa oo dhami hirgelaysaa.

2. Wxuu ilaalinayaa oo la soconayaa shaqada Baananka tijaariga ah ee waddanka ka shaqaynaya isaga hubinaya inaan midna dhaafin heerarka iyo nidaamka Bankiga dhexe u gooyay.

3. Bankiga dhexe wuxuu awood buuxda u yeelanayaa ilaalinta lacagta adag ee waddanka iyo inaan sicir barar dalka ka dhicin

GABAGABO:

1. Bulshadii Somaliland dhalinyaro iyo waayeel suldaan iyo caaqil, wadaad iyo wabiin , afku xoogle iyo afmiishaaro waxay dhamaantooda ku soo kalla hayaan xukuumadda.

2. Si bulshadu dawga saxa ah u marto waxaa bulshadu xaq ugu leedahay xukuumadda inay bulshada ishooda iska jeediso oo dhiirigeliso habkii ay dalka ku imanlahaayeen Bankiyada tijaariga ihi.

3. Waa in xukuumaddu dagaal xoogan ka gashaa sidii ictimaad loogu dhoofinlaha xoolaheenna nool wixii la soo dejinayana ictimaad loogu keeni lahaa. Waana sida keliya ee umaaddan , aad ka u wanaagsan ee samirka badan leh , ayada iyo dalkeeduba u badbaadkikaraan.

4. Dahabshiil international Bank oo ka furanyahay Djibouti halkanna ka furan waa suurtogal in xoolaheenna ictimaad lagu dhoofiyo, waxaana lagama maarmaan ah inaynu Djibouti gacan saar la yeesho. Ayaga tijaarta carbeed qasabay ku tahay inay soo furan ictimaadaka.

5. Arrintani waxay u qalantaa in xukuumaddu ka dhigato muhimaddeda koowaad waayo wax kale oo ummaddan baahideeda daboolikaraa ma jiraan. Waa dal dadkiisu yaryahay oo si hawl yar nolosha bulshada loo hagikaraa.

6. Waxaa kale oo xaq loogu leeyahay xukuumadda in laamaha bankiga bangiga dhexe loo sameeyo raasamaal ay noqdaanna baan tijaari ah oo madax banana, oo maalgeliya “ Private sector”ka.

7. Laamahani waa laamo dawladdu leedahay haddii “Private sector”ku ka qaybgalana aad bay u fiicantahay.

Wa billahi towfiiq.

Xil.Hussein Ismail Yusuf