Madaxwynaha Somailand U Baahan Tahay.

Sanadii 2001 Golaha Wakiilada ee Somaliland wuxuu Dacwad maamuus uu maamuuska kagga xayuubinayo Madaxwayne , Maxamed Ibraahin Cigaal , taasoo abuurtay dood xaasaasi ah oo Golaha iyo Guuda ahaan wadanka Somaliland ka aloosantay .

Doodii Maamuus ka xayuubinta ahayd , oo ahayd eedayn Madaxwaynaha laggu eedaynayo Qiiyaamo Qaran iyo Difaac laggu difaacayo Madaxwaynaha ayaa Golaha Wakiiladu guddo galay .

In ku dhaw 40 Xildhibaan ayaa ka qayb galay doodaas oo aragtidooda ka dhiibtay , taasoo wadanka gudihiisa iyo dabadiisa lagga daawanayay .

Hadda sidda sharcigu dhigayo , hadii golaha wakiiladu u codeeyo in Madaxwaynaha maamuuska lagga xayuubiyo , waxa dacwada loo gudbiyaa Golaha Wakiilada , oo

uu Gudoomiyo Gudoomiyaha Maxkamada sarre , halkaasoo Madaxwaynaha iyo qolada eedaynaysaana Isu qabsan karaan Lawyaro eeda ooga iyo kuwo difaaca .
Hadaba ayaamihii doodaasi socatay Madaxwaynuhu wuxuu yidhi ” Golaha Wakiiladu shaqadiisa ha qabsado , hadii ay u codeeyaan maamuus ka xayuubinta , sugi maayo Golaha Guurtida laakiin anigaa is casilaya .

Si xor iyo xalaala ayaa goluhu ugu codeeyay doodan , iyadoo natiijadi noqotay 36/35 , iyadoo Madaxwayne Cigaal hal cod ku badbaaday .

Somaliland Madaxwayne Xaqiijiya , Kala Madax banaanta Haayadaha Qaranka ayay u baahan tahay .