Madaxweyne Waxa Laga Sugayaa Halku Dhigaagi Aha Bari Maanta Ka Fiican … W/Q:Mohamed Hussein Jama

Xukuumada cusub ee dhawaan uu soo dhisay Muuse Biixi Cabdi waxa laga sugayaa balan_qaadyo uu ku galay olalihii doorashada kaas oo ay bulshadu siweyn uugu dheg_taagayso una jeelanyhiin in ay mar uun helaan dawlad iyaga u shaqaysa kadib markii ay ka niyad jabeen gofanayaal u haliilaya boobka hantida umada oo kaliya gabayna kaalintii horumarka bulshada.

Erayadii la jeclaystay ee ka soo maaxay madaxweynaha waxa ka mid ahaa ( saraynta sharciga, sinaan iyo cadaalad, dabargoynta musuqa,iyo bari maanta ka fiican oo aan gaadhno,) runtii waa waxa aynu u baahanahay in masuul aynu dooranayn dhamaanteen uu ka dhabeeyo kana muuqato habdhaqankiisa hogaamkiyeed .

Mudane madaxweyne

waxa lagaa sugayaa in aad fuliso sidii balan qaadku ahaa xukuumada aad soo dhistayna ay ka leexato dariiqii foosha xumaa ee ay martay xukuumadii kaa horaysay ee Kulmiye taas oo gashay hanti lunsi qaran ahaydna in la xisaabiyo ragii uugu tunka weynaa ee ku sifoobay boobka,dhaca ,ku tumashada sharciga ,awoodsheegshada, musuqa ,wax is daba marinta , danaysiga shaqsiga ah, qabyaalada , qaraabo kiilka iyo ku maxaafsiga shaadhka dawladnimada.
mudane Madaxwene umada aad masuulka ka tahay waxa ay hamuun u qabaan in la kobciyo waxyaabaha aasaasiga u ah nolasha aadamaha waxa ay tabayaan

1) biyo nadiif ah sidii ay u heli lahaayeen

2) wax barasho tayo leh oo hogaamin toosan leh iyo dib u soo noolaynta dugsiyadii dawliga ahaa oo haatan ku dhaw in albaabada loo xidho.

3) horumarinta jidadka iyo bilicda magaalada.

4) kaabayaasha dhaqaalaha .

5) l;a dagaalanka musuqa

6) xakamaynta sixir bararka xadhkaha goostay.

7) wasiiro qaranka u shaqeeya laguna xisaabtamo xilka ay hayaan.

Waxa la fiirinayaa indhahana lagu hayaa in aad jeexdo jid u horseeeda qarankan godoonka ku jira horumar iyo badhaadhe , hadii ilaahay kugu guuleeyey in aad majaraha u qabato qaranka ku hogaami tubta toosan.

Saraynta sharcigu waaa muhiim qarannimadeena ka maqnaa hadii masuul kastaa sharciga uu gacanta ku haystay cidi uu doonaba xidhi jiray car juuqdhana aan ku soo jirnay maanta waxa lagaa sugayaa in aad hirgaliso garsoor loo simanyahay oo loo soo maro hanaan sharciya oo qofka la soo eedeeyaa uu helo qareen u dooda si uu isku difaaco,

Mudane madaxweyne waxa ay bulshadu kaa sugaysaa in aad talaabada uugu horaysa ka qaado xildhibaanada golayaasha deegaanada kuwaas oo curyaamiyey garana waayey shaqadii loo igmaday ilaa maalinkii la doortay ilaa maanta aan waxba ka qaban shaqadii loo dirtay kuna mashquulay in ay ku tamashleeyaan cashuurtii umada laga qaaday ee ay ku tagri faleen , taas oo ay waliba raacsadeen in ay xabsiga u taxaabaan cidii wax ka sheegta . iyada oo aaad ka yaabayso fool xumada magaalooyinkeena qashinku tuulmay ,maalmulxumada istaamadeena .wadooyinka wada xidhan laamiyada wada googa`ay iyo boholaha ka dhex jeexmay wadooyinka gawaadhidu ay ku dhacayaan . xashiishaka lagu wareejiyey shirkadaha gaarka ah ee hadana meel kasta quban.

Mudane Madaxweyne shacabku waxa ay jecerlyihiin in aad kala dirto haamaanad ku tagri falay garana waayey waajibkii loo doortay soona magacawdo gole cusub oo ku meel gaadha.

W/Q:Mohamed hussein jama

ababiye11@gmail,com

+252063-4410447

Hargeisa Somaliland