“Madaxweyne Silaanyo Waa Musharaxa Xisbiga KULMIYE Kuwii Beenta Sheegay Ayaa Wali Been Abuurka Sii Wada” W. Samaale + DAAWO/Akhriso

(SLT-Hargaysa) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Mud, Cabdicasiis  Maxamed Samaale ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo  uu cadeeyey inuu musharax yahay, isla markaana uu bulshada si cad ugu cadeeyey arrintaas, balse warka laga sheegay in uu ka tanaasulay uu yahay been abuur, kuwii beentaa sameeyeyna wali beentii sii wadaan.

Wasiir Samaale waxa uu hadalkaas ka sheegay Kormeer ay isaga iyo laba wasiir oo kale manta ku tageen dhismaha Jidka Allay-baday, waxaanu xusay in Madaxweyne Siilaanyo yahay Musharax warka laga faafiyeyna yahay mid been abuur ah oo dad beenaalayaal ahi ka sheegeen.

Wasiir Samaale waxa uu sheegay in uu Madaxweyne Siilaanyo u xushay xukuumaddiisa Wasiiro wanaagsan oo mudadii uu xilka hayey ka soo baxay shaqadii loo dirtay, kuwaas oo ku shaqeeyey Horumarka iyo waxqabadka wanaagsan ee uu Taariikhda ku galay, isagoo sheegay in Madaxweyne Siilaanyo hore-na taariikh wanaagsan u soo sameeyey imikana ku khatimayo.

Images-DSC08839

Wasiir Samaale waxa uu Madaxweyne Siilaanyo illahay uga baryey in uu Cimriga u dheereeyo isla markaana uu bulshada Reer Somaliland uga tago midho wanaagsan, waxaau daadifeeyey kuwa dhaliila waxqabadkiisa oo uu sheegay inay ka been sheegayaan inta uu qabtay.

Wasiir Samale waxa uu sheegay markii Madaxweyne Axmed Siilaanyo talada Dalka la wareegay in dalku ku jiray Dayn taasoo ay bixiyeen. Waxa kale oo uu sheegay in uu dhisay wadadii UDUB ay dhisi kari weyday ee Boorama, isagoo xusay Madaxweynihii xilligaasi in uu ka soo jeeday Gobolka Awdal, halka Xukuumadda Kulmiye ka dhisayso dhamaan Jidadka Goboladda iyo Degmooyinka Dalka isku xidhaya.

Wasiir Samale waxa uu xusay Madaxweyne Axmed Siilaanyo in uu goboladda Barri ka bedelay lacagtii Giimbaarta ahayd, dakhliga Dalkana kor u qaaday, iyadoo waxaas oo dhami ay ku yimaadeen dedaalka iyo daacadnimada Wasiiradda uu u xushay Golihiisa wasiiradda.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.