Madaxweyne Silaanyo Oo Asiibay Magacaabista Danjiraha Somaliland U Fadhiyi Doona Dalka Itoobiya

Hargeysa (Somalilandtoday)-Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Safiirka dalka Itoobiya u fadhiyi doona Somaliland u magacaabay Aadan Muuse Jibriil oo ah masuul aad ugu xeel dheer arrimaha Dublamaasiyadda aqoon fiicana u leh dalka Itoobiya. Safiirkan Cusub ee Somaliland u fadhiyi doono Addis-ababa wuxuu hore u ahaa Safiirkii Somaliland u fadhiyay Dalka Ingiriiska dawladii Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu sidoo kale kamid ururkii SNM.

IMG_570C93-022D5E-23B2FD-466B04-DF7987-FE9E37 (1)

Magacaabista Aadan Muuse Jibriil waxaa la filaaya inay wax weyn ka tari doonto sii wanaajida xidhiidhka labada dal, iyadoo dalka  Itoobiya yahay waddanka ugu badan ee dadka rer Somaliland u tagaan ganacsiga iyo Caafimaadka marka la eego wadamada Jaarka la ah Jamhuuriyadda Somaliland. Dhinaca kale waxaa cidhiidhi fara badani ka jiray Viisayaasha dal ku galka Itoobiya, waana arrimaha la filaayo inuu wax weyn ka tari doono Safiirkan cusubi maadaama oo uu aqoon durugsan u leeyahay Dalka Itoobiya, waxaa isna ku xigeenka Safiirka isagu sii ahaan doona Amb. Ayaanle Salaad Diiriye oo ah masuul siweyn ay uga ammaan sheegtaan shacbiga Somaliland iyo cid kasta oo booqata Dalka Itoobiya.

 

Geesta kale Danjirihii hore ee Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya Maxamuud Aaden Jaamac (Galaal) ayaa isaga loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Qorshaynta Qaranka JSL.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.