“Haddii Lacag Finland Laga Qaadayo Qolada UCID Ayaa Bari Hore Qaadan Lahayd”. Guddoomiye Cirro

(SLT-Hargaysa) Guddoomiyaha Xisbiga WADANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa si dadban ugu ganay Madaxda Xisbiga UCID, weedho mujinaaya inay caan ku yihiin qaadashada lacagta waa siduu hadalka u dhigaye. Guddoomiye Cirro oo hadalkan ka sheegay maruu Saxaafadda ugu waramaayay garoonka Diyaaraha Hargaysa, isagoo arrintaas ka hadlaaya wuxuu yidhi.

CIRO-IYO-FAYSAL

“Waxay Saxaafadda qaar iga qoreen  sida aan akhriyey sheeko kale sheeadaasi kale waxa weeye in dawladda Jabuuti  ama Wasiirkeeda arrimaha dibada iyo dawladda Turkigu ay dhex dhexaadinayaan Madaxwaynaha Somaliya iyo Guddoomiyaha WADANI (Aniga) Dawladda Turkigana aan lacag waydiistay  taa hore hadaan ku noqdo  ee Finland laftigeeda Finland aniga daganaan jiray oo dawladaha lacagta bixiya-ba maaha. Haddii ay lacag bixiyaan  Qolada Xisbiga UCID baa kasoo qaadi lahayd bari hore.” Guddoomiyaha Xisbiga WADANI oo hadalkiisa sii wata isna fogaynaaya inuu wax lacag ah qaatay wuxuu markale yidhi.

“Waxaan shacbiga reer Somaliland u sheegayaa una xaqiijinayaa una cadynayaa, inaanay jirin Lacag aan cid waydiistay, halkaas Turkiga aan Caafimaad u tagay, sidaa ayaan shabigayga Xisbigayga iyo Dalkaygaba u cadaynayaa.”