Madaxweyne Siilaanyo:Macalinkii Dulqaadka,WQ:Maxamed Cabdalla Cilmi

Umadd kasta oo aduunkan Ilaahay ku uumay waxa lagu qaderiyaa sida ay u muunayso isla markaana u tix geliso hogaanka Ilaahay markaa xilka ugu dhiibay,waana arin shareecadeenu boorisay in madaxda laga xishoodo lana karaameeyo.

Picture812

Meertada giraanta xukunka Somaliland waa cajelad rogmaysa qof kastaana waxbuu kaga suntamayaa,sidaa dareteed ayay lagama maar maan u tahay in wax layskula hadho,qof kastaana qiimeeyo kelmeda uu bulshada la hor imanayo xumaan iyo samaan.

Mudadii Dalka Jamhuuriyadda Somaliland jirey oo hada qiyaastii rubuc qarni baalka ka sii jaraysa,dhamaan madaxweynayaashii soo maray mid kasta waxbuu ku suntanaa dhinaca wanaaga oo ay taarikhdu ku astaysay,waase dhici kartaa in feker ahaan lagu kala duwanaado waxa qofba dhiniciisa u aaminsan yahay,laakiin ta aan doonayo in aan maqaalkaygan ku xuso

ayaa ah doorkii hogaamineed ee Madaxweynaha hada talada haya Axmed Maxamed Maxamuud oo aan halku dheg uga dhigay Madaxweyne Siilaanyo(macalinkii dulqaadka).

Sadex meerto oo ku jirta nolosha soo yaal ee Madaxweyne Axmed Saabir waxay ka marag furayaan inuu yahay shaqsi leh hogaamin uu kaga soo dabaashay waayo adag oo la soo dersay,kuwaas oo ay haboon  tahay in uu wax ka barto qof kasta oo doonaya inuu Qarankan mustaqbalka madax  ka noqdo.

Marxaladii Hogaaminta Jabhadii SNM:-

Wuxuu soo noqday hogaamiyihii ugu mudada dheeraa ee Jabhadaa soo ruga keenay  ilaa laga soo gaadhay xili uu xilkii isaga wareejiyey si la mida sidii uu ku yimi oo ahayd nidaam doorasho ah,Afrika dhamaan jabhadihii ka samaysmay waxay ahaayeen kuwo  leh hal hogaan keliya oo dabadii aanay cidi hadlin,tanina waa tusaale kale oo ah in Madaxweyne Saabir aanu ahayn qof hamuun xukun qabey.

Marxaladii Mucaaradnimo iyo Hogaaminti Xisbiga Kulmiye:-

Waqtigani waa mid ka mida xiliyadii ugu adkaa ee la odhan karo waxay ahayd,markii uu ka baxay Madaxweyne Saabir imtixaanadii ugu cuslaa ee soo maray hayaankiisii siyaasadeed,iyadoo aynu ognahay yagleelkii Qaranku ku jirey taariikhdan,wuxuu ahaa isaga iyo xisbigiisuba kuwii u soo babac dhigay sideed sano oo mucaaradnimo iyo cadaadis aan waxba laysula hadhin gaar ahaan xukuumadii xiligaa talada haysay ee UDUB,Axmed Saabir wuxuu xiligaa aqbalay in doorashadii madaxtooyada ee 2003 uu kaga dhaqaaqo 83 cod oo calaamad su’aal dul sudhnayd waqtigaa,laakiin uu door biday lexejecladii dadkiisa iyo dalkiisa ka haysay,maya kursiga iyo dantiisa gaarka ah.

Casharada kale ee xiligaa laga baran karayo  Hogaamiye  Saabir ayaa waxa aynu ka xusi karaa mucaradadiisii ku salaysanayd inuu ka hadlo arimaha xisbigii ay is hayeen,isagoo maalin keliya aan afkiisa laga maqal aflagaado ku jihaysan beel,gobol ama degaan gaara,waayo wuxuu fahmasanaa inuu cid kasta cod ka rabo taageerana uga baahan yahay,waana arinkii u horseeeday inuu ku guulaysto kalsoonidii shacbiga Somaliland kala badh doorashadii Dalka ka dhacday sanadii 2010kii.

Astaamaha hogaamiyaha ayaa waxa ka mida inaad  intii suurta gal ah isku hayn kartid  dad kala wata afkaaro kala duwan oo mid kastaa rabo in tiisa la qaato,xiligana waxay ahayd itixaan kale oo la soo gudboonaaday Madaxweyne Saabir,kaas oo isagana uu ku dhameeyay si xikmad iyo odaytinimo ah,Kulmiyena wuxuu taladii la wareegay isagoo  jiidanaya oodihiisa iyo xamantiisiiba.

Marxaladii Xukuna iyo Maamulka Dalka:-

Waa waqtigan aynu hada ku jiro iyo maalmo la soo dhaafay ,Ilaahay(swt) ayaa dhamays tiran. Qofka bani aadamka ahina waxna wuu asiibi karaa waxana wuu gefi karaa,tabsho way jiri kartaa ilaa inta ilaahay dhulka iyo waxa saaranba ka dhaxlayona way jiraysaa ,mana odhan karayo cid kastaa waa mafsuud,laakiin ilaa hada intii Madaxweynuhu xukunka hayay waxa muuqda wax qabad aan la dafiri karayn  oo ay ugu weyn tahay in Dalku u jihaystay dhincii wax horuumarka,xitaa waxa dadku qabsanayo waa loo nisbayn karayaa hogaanka oo marka ay ugu yar tahay dhiiri gelina ka socota hogaanka ayaa wax badani ku qabsoomayaan,fursaduna waa mar keliya,waana xiligaa ay ku hor taal,sidaa darteed ayaynaan ku gefeyn hadii aynu isku wacdino waar madaxweynaha aynu la shaqayno mudada ilaahay u gartay ee uu meesha joogo.

Waxan halkan ka hambalaynayaa labada Gudoomiye Xisbi Mucaarid  Faysal Cali Xuseen iyo C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ilaa hada u dhaqmaya si xilkasnimo iyo asluub leh marka ay warbaaahinta ka hadlayaan,waana arin mustaqbalkooda siyaasadeed u wanaagsan.

Waxan qormadan  ku soo khatimayaa hadii hadalku suuqyada camiro waa col madaxii,Madaxweynaha iyo Madaxda kalle ee  Qaranka  yaan reer laga dhigin,qof kastaana maalin ayuu xilka Waddanka  imanayaa  hadii Ilaahay u qoray,xaragada iyo dadnimada yaan laga tegin,wax kasta sabir ayaynu ku gaadhi karaynaa,jid dheer ayaa ina sugaya,cadhada caqli ha lagu daro,hana la kala xishoodo.

Wabilaahi Towfiiq.

Mohamed Elmi <maxamedcabdalla1@gmail.com