Madaxweyne Obama Oo Diiday In Uu Booqdo Iskuul Hoose Oo Isaga Loogu Magacdaray.

(SLT-Washingtong)-Ardayda iyo waalidiinta ayaa ka codsaday madaxweynaha Maraykanka Obama in uu booqdo iskuul hoose oo isaga loogu magac daray, laakiin codsigoodii ayaan isagu guuleysan.

New York Post ayaa maalintii salaasada baahisay in masuuliyiinta iskuulku, waalidiinta iyo ardayda dhigata iskuulka hoose ee Barack Obama ee ku yaala jasiirada Long Island ayaa madaxweyne Obama ka codsaday in uu soo booqdo iskuulkan, xili uu madaxweynuhu joogay jasiiradan isaga oo uu booqanayay xafiiska tabarucaadka ee xisbiga Dimuqraadiga ee dalkaasi.

 

obama_wut_AP

Waa markii 3aad ee masuuliyiinta iskuulku ay madaxweyne Obama ka codsadaan in uu hakado oo uu soo booqdo iskuulkan oo uu islamar ahaantaana la kulmo ardayda iskuulkan tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2008dii, sidoo kale sanadihii 2009kii iyo 2012kii ayey masuuliyiinta iskuulkani madaxweyne Obama ka codsadeen in uu booqasho ku soo bixiyo iskuulka.

Waxay masuuliyiinta iskuulku sheegeen in ay madaxweynaha ka codsadeen in uu ka ogolaado in ardayda saf lagu geliyo xafiiska lacagta uruurinta ee xisbiga dumuqraadiga si ay madaxweynaha u gacan qaadaan iyaga oo wadada taagan.

“Hadii jadwalkaagu aanuu kuu suurogelin in aad timaadid degmadeena, ma sameyn karnaa in ardaydu ay kula kulanto oo ay kugula kulmaan dibada xafiiska lacag uruurinta ee xisbiga dimoqraadiga iyaga oo xidhan jaaked ay ku qorantahay Barack Obama Elementary School?” Sidaa waxaa qoray madaxweynaha iskuulka Lamont E.Johnson.

“ Waajihidaada ku aadan arimaha waxbarashada waxa uu dhab ahaan u dhiirigeliyay anaga, waxayna noo noqon lahayd wax weyn hadii aad la kulmi lahayd ardaydeena oo iyagu doonaya in ay la kulmaan hogaamiyahan qiimaha weyn leh ee iskuulkan loogu magaca daray”.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday