Madaxweyne Axmed Silaanyo Oo Shacabka Somaliland Iyo Shucuubta Muslimiinta Ku Hanbalyeeyay Curashada Sannadka Cusub Ee Hijriyada.

(SLT-Hargaysa) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa shacabka Somaliland iyo guud ahaan shucuubta Muslimiinta ku hanbalyeeyay curashada sannadka cusub ee Islaamka ee Hijriyada, sidaana waxaa lagu bayaamiyay war-saxafadeed ka soo baxay aqalka Madaxtooyada oo u dhigna sidan.

 

 image

 

 

 

Date: –24/ 10/2013

 

HAMBALYAYADA MADAXWEYNAHA EE SANADKA CUSUB EE ISLAAMKA 1436-KA (HIJIRIYADA)

 

Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Munaasibadda Sannadka Cusub ee Islaamka1436 (Hijiriyada), awgii oo ku beegan  Sabtida Beri oo taariikhdu tahay 25.10.2014, Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa Guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ILLAAHAY Kabaryayaa inuu Shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sanadkan Sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bash-bash, Baadhaadhe iyo Barwaaqo, inta Buktana uu ka Dulqaado Xanuunka, inta Caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Hambalyo taasi la mid ah u dirayaa Wadamada Islaamka iyo shacbiga Muslimiinta ah ee ku nool dunida dacaladeeda oo uu leeyahay sanad wanaagsan oo wacan.

Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu Baaqayaa inay nabad-gelyada iyo Qaran-nimada Dalkeena, heegan u ahaadaan meelna uga  soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan sidii ay hore-ba ugu  soo jeedeen si aynu u gaadhno himiladeena qaran-nimo.

SANNAD WANAAGSAN OO WACAN


Axmed  Saleebaan  Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL