Madaxweynaha Somaliland Oo U Hibeeyay Had-yado Uu Gaadhi Ku Jiro Xufaadi Ku Guulaysatay Kaalmaha Koobaad Ilaa Kaalinta Afraad.+Sawiro

(SLT-Hargaysa)Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta Abaalmarino kala duwan gudoonsiiyey Ardaydii ku guulaysatay Tartanka Qur”aanka kariimka ah ee ka socday Masjidka Cali Mataan oo la soo gebegabeeyey.

6 4 5 8 6 99 999 99999 999999 99999 999999 999999999

Tartankan ayaa noqonaaya kii saddexaad ee uu madaxweynuhu si xidhiidha u gudoonsiiyo Ardayda ku guulaysatay kaalmaha hore Baabuur iyo hadyado kala duwan, waxaanu Galabta madaxweynuhu bixiyey gaadhigii saddexaad oo ah NOAH, iyadoo uu Madaxweyne labadii tartan ee kan ka horeeyeyna uu bixiyey gawaaadhi kuwaasoo kala ahaa NOAH iyo Markii Indhacade ah. Madaxweynaha ayaa ku suntan tartankan quraanka kariimka ah  madaama uu noqday mdaxweynihii u horeeyey Somaliland ee maalgeliya tartan quraan ah.

Ardayda ku guulaysatay tartankan oo ka kooban afar ruux waxa u kala guulaysteen sidan:-

4. Cabdiwahaab Ismaaciil Maxamed (Hargeysa) $700, Kitaab quraana iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todobad shay.

3.  Cali Aadan Cismaan (Berbera) $1,000, Mobile qaaliya iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todobad shay.

2. Ismaaciil Cumar Madar (Hargeysa) $1,300, Kitaab, Laptop qaaliya iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todobad shay.

1. Maxamed Axmed Xasan (Hargeysa) Gaadhi, $200 iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todobad shay.

Ugu horayn  waxa halkaasi ka hadlay Culimo awdiinkii soo qaban qaabiyey tartankan oo ay kow ka tahay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ka dibna waxa halkaasi loogu sameeyey Ardayda iyo Culimadii Afur iyo Casho sharaf uu madaxweynuhu ku maamuusay.

Wasiir Madaxtooyada JSL Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna Halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyey Tartan islamarkaana u hanbalyeey Aradaya kalmaha hore ka gashay, wuxuuna xusay inay muhiim tahay in kor loo qaado qur,aanka kariimka ah iyadoo sharaf iyo maamuus u ah Diinteena islaamka, sidoo kalena wuxuu hanbalyo u diray  Wasaarada Diinta iyo Awqafta Somaliand oo tartankan soo abaabushay.

33333333333 444444444333 333333333333333 333333333334444 999999995555555 999999995555555 2222222222222333 3333333333322222 4444444444444433 11111111111222333 99999999999999999999999 333333333333333333 999 99999

Dhanka kale waxaa isna halkaasi ka hadlay mid kamida Culimada Masaarida oo ka socday Jaamacada Al-Azhar islmarkaana maal mihii u danbeeyey ku sugnaa Magaalada Hargeysa,  waxaana ay sheegeen in Somaliand makaan nabada iyo horumarku ka tis qaaday sidoo kalena waxay soo dhaweeyeen  Tartanka quraanka kariimka iyo kor u qaadida diinta islaamka, Waxaana ay Madaxweynaha iyo Xukuumada ku amaaneen Amniga iyo Nabad gelyada ka jirta Dalka Somaliland.

Ugu Danbayntiina waxaa Madashaasi soo gunaanaday Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud Siilaanyo una hanbalyeey Ardayda ku guulaysatay Tartankaasi qur,aanka kariimka ah sidoo kalena ku amaanay Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culimadii soo qaban qaabisay.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

contact@somalilandtoday.com