Madaxweynaha Somaliland Oo Maal-gashadayaasha Caalamka U Sawirey Fursadaha Ganacsi Ee Dugsanaya Nabadgalyada

(SLT-London) – Waxa shalay Magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska ka furmay shir caalamiya oo markii ugu horeysay lagaga hadlayo Gacansiga iyo Maalgashiga Somaliland, kaasi oo uu soo qaban-qaabiyey ururka DMA oo gacan ka helaya dawladda Ingiriiska.
Shirkan caalamiga ah oo loogu Magac daray shirka ganacsiga iyo Maalgashiga ee Somaliland iyo Ingiriiska, ayaa waxa furitaankiisa ka qayb-galay boqollaal ruux oo isugu jira Maal qabeenno adduunka caan ka ah, ganacsato iyo weliba Masuuliyiin uu ka mid yahay xoghayaha arrimaha qaaradda Afrika u qaabilsan dawladda Ingiriiska.

10665373_10152970360863322_9074290201155950733_n

Shirkan oo muhiimaddiisa leh isla-markaana ay ka qayb-galeen wefti ballaadhan oo ka tagey Somaliland, ayaa waxa khudbad dheer ka soo jeediyay Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hoggaaminayey wefti wasiirro iyo ganacsato ah oo shirkaasi ka qayb-galay.
Madaxwayne Siilaanyo, ayaa si weyn ugu nuux nuux saday ahmiyadda shirkani u leeyahay guud ahaan Somaliland, siiba dhanka Maalgashiga oo uu sheegay inuu indhaha caalamka ku soo jeedinayo Somaliland, maadaama oo dalkan ay ka jiraan fursado badan oo Maalgashi, maadaama oo ganacsigu xor yahay oo qof iyo shirkad kastaaba si Madax-banaan uga shaqeysan karto.
Madaxwaynaha, ayaa fursadaha Somaliland yaalla u soo qaatay nabadgalyada oo uu tilmaamay inay cago adag ku taagan tahay oo la isku halleyn karo, taasina ay daliil u yahay Malaayiin dollar oo uu xusay inay yaallaan suuqyada Magaalooyinka dalka.
Madaxwaynuhu, waxa kale oo uu tusaale ugu soo qaatey dadkii ka qayb-galay shirkaasi in Somaliland ay ka jirto hanaanka casriga ah ee (Mobile Banking), taasi oo ka mid ah guulaha shacabka Somaliland ka gaadheen dhanka ganacsiga.
Madaxweynaha Somaliland oo huga tusaaleynaya wufuudda shirkaasi joogtay ayaa yidhi “Somaliland waxay 23 sanadood ku naalooneysaa nabadgalyo, waxaana tusaale ah in suuqyada ammaanka ah ee caasimadda ay taallo lacag, cabsi la’aan”
Madaxwaynuhu waxa kale oo uu ku sheegay khudbaddaasi oo dheerayd isla-makaana ahayd luuqadda Ingiriisiga “Waxa ka hirgalay Somaliland dimuqraadiyad iyo doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka oo lagu guuleystay” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Dalkani waxa uu leeyahay deked ay ku soo xidhaan Maraakiibta ugu waaweyn ee ka yimaadda gacanka Cadan, waxayna ku xidhnaa bariga fog ee gobolka bariga dhexe”
Madaxwaynaha Somaliland, ayaa sidoo kale sheegay “Somaliland, waxay leedahay dhabbaha diyaaraduhu ka haadaan ee ugu dheer dalalka Saxaraha Afrika ka hooseeya”ayuu yidhi, Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo intaasi sii raaciyey “Dalkayga Somaliland wuxuu raadinayaa horumarintiisa, halkanna waxaanu soo gaadhnay, ka dib 20 sanadood oo aanu dhisenay qaran nabad-doon oo leh dastuur iyo dawlad si dimuqraadiya loo soo doortay, sidaa daraadeed Somaliland waa dal u furan ganacsiga iyo Maalgaashadayaasha adduunka”
Khudbadda Madaxwaynaha Somaliland ka jeediyay shirkaasi, oo uu sidoo kale ku so qaaday arrimaha ay ka mid yihiin hanaanka ay u shaqeeyaan hay’adaha dawladda, sida wasaradaha qorshaynta, ganacsiga, arrimaha dibadda, rugta ganacsiga, Biyaha iyo Macdantu ayaa soo jiidatay dhammaan dadkaasi halkaasi fadhiyey ee ka qayb-galay shirkaasi.
Dhanka kale, Shirkan ka dhacay Shalay Magaalada London, ayaa ku soo beegmay xilli bishan ay xukuumadda Somaliland si rasmiya ugu dhawaaqayso siyaasad cusub iyo casriyeyn ay ku samaysay hanaanka Diwaan-gelinta Maal-gashiga caalamiga ah iyo ka Maxaliga ah, isbedel iyo kaabis lagu sameeyay Shuruucda u degsan iyo habkii hore loogu shaqayn jiray.
Siyaasadda cusub ee loo dejiyay Maal-gashiga, waxa ka mid ah inay Wasaaradda howshan ku shaqada lehi hir-gelisay hab cusub oo ay Maal-gashadeyaashu u diwaan-gelin karaan Ganacsigooda iyagoo adeegsanaya Mareeg Wasaaraddu leedahay oo loogu talo galay in lagu soo dalbado Diwaan-gelinta Ganacsiga cusub iyo xeerka Maal-gashiga oo dib habayn iyo Kaabis lagu sameeyay, dhawaana loo soo gudbin doono Golaha Wakiillada marka la soo bandhigo kaddib,
Waxa kale oo dhiiri-gelinta maal-gashiga laf-dhabar u ah Xafiisyo loo gaar-yeelay oo wasaaraddu ka furtay, kuwaasoo bilow u noqday tilmaanta cusub ee lagu yiqiinsan karo qorshaha isbedelka lagu samaynayo xidhiidhka Maal-gashadeyaasha. “Qofka doonaya inuu Maal-gashi ka diwaan-gashado Somaliland, waddanku doonaba ha joogee waxa uu iska diwaan-gelinayaa Mareeg cusub oo ay Wasaaradda Maal-gashiga iyo Ganacsigu samaysay, taasoo meesha ka saaraysa howshii wakhtiga iyo Karashka badan uu kaga bixi lahaa, isla markaana u fududeynaysa inaan lala wadaagin magaciisa oo aanay cid kale la yeelan xagga Internet-ka,” sidaas waxa laga soo xigtay Maxamed Maxamuud Cawaale oo ah Agaasimaha Waaxda Qorheynta ee Wasaaradda Ganacsiga.
Cawaale ayaa sidoo kale sheegay “marka laga yimaado habkan Online-ka inuu qofku Ganacsigiisa ku diwaan-gashado, wuxuu ka caawinayaa inaan magacaas lala wadaagin, waayo qofkii doonaya inuu magacaas isticmaalaa wuxuu ka ogaanaya Internet-ka” ayuu yidhi.
Wasaarada Ganacsiga Somaliland waxa kale oo ay furtay saddex Xafiis oo qalabaysan, kuwaasoo lagu soo uruuriyay dhamaan adeegyadii Diwaan-gelinta Maal-gashiga looga baahnaa, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ganacsiga maxamed Sheikh Cumar Sheikh Xasan.
Saddexdan Xafiis oo ku kala yaalla Hargeysa, Berbera iyo Burco, ayaa u gaar ah bixinta Ruqsadaha Ganacsiga cusub ee la diwaan-gashanayo, iyadoo si isku mid ah loogu adeegayo maal-gashadeyaasha ajaanibka ah iyo kuwa Wadaniga ahba, sida uu mar kale sharaxay Mr. Cawaale “ halka markii hore qofka ruqsad cusub doonaya ay ku qaadan jirtay howsheedu 126 Maalmood, waxa lagu soo uruuriyay dhamaan Xafiisyadii howshu kaga xidhgnayd hal meel, waxaana laga dhigay hada in qofka ay maalin qudha ku qaadato helida ruqsada.”ayuu yidhi.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday