Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Shirka Berri Ka Furmaya London Iyo Muhiimadda Uu Dalka U Leeyahay

(SLT-London) – Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, Madaxweynaha Somaliland, oo Dalka Ingiriiska u jooga Shir uu kaga qayb galayo Magaalada London oo ku saabsan Maalgashiga Somaliland, ayaa sheegay in Shirkaasi yahay mid muhiim u ah waddanka Somaliland.

Picture812

Madaxweyne Siilaanyo oo boggiisa Twitter-ka farriin kooban ku baahiyay ayaa sheegay in Shirkaasi muhiimad gaara u leeyahay dalka. “Shirka Maalgashiga Somaliland ee London waa Shir aad muhiim ugu ah Somaliland” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu intaasi raaciyay in Somaliland u furan tahay Ganacsiga iyo Maalgashiga adduun weynaha.  “Somaliland way u furan tahay Maalgashiga iyo Ganacsiga”. Ayuu ku yidhi Madaxweyne Axmed Silaanyo qoraalkaas.

Shirka Maalgashiga Somaliland oo muddooyinkii u danbeeyay qaban qaabadiisu socotay ayaa bari ka furmaaya Magaaladda London, waxaana ka qayb galaaya wafti ballaadhan oo ka yimi gudaha dalkii, kuwaas oo isugu jira Masuuliyiin iyo ganacsato.

Halkan Hoose Ka Daawo Weftiga Madaxwaynuhu Markay Gaadheen London

Somalilandtoday/London/Office.

contact@somalilandtoday.com