Madaxweynaha Maraykanka Oo Isbaaro U Dhigtay Heshiiskii Hore U Dhexmaray Iran

(SLT-Washington)—Madaxweyne Donald Trump ayaa la filayaa inuu goor dhow ku dhowaaqo in taageerada uu kala noqday heshiiska Nuclear-ka ee Iran hase yeeshee lama filayo inuu baabi’iyo heshiiska. Trump ayaa la filayaa inuu shaaca ka qaado, waxa ay saraakiisha ugu yeereen istaraatiijiyad cusub oo adag oo heshiiskan ku aadan.

Khudbad la filayo inuu maanta jeediyo, ayay saraakiisha Aqalka Cad sheegeen, inuu Trump ku sheegi doono inaysan danta amniga qaranka Mareykanka ku jirin inuu sharciyeeyo heshiiskan oo la gaaray 2015, kaasi oo ay ku lug lahaayeen Washington iyo shan dal oo kale. Arrintan ayaa waxa ay dhalinaysaa in 60 maalmood uu congresska Mareykanka go’aan uga gaaro inay dib usoo rogaan cunaqabateyntii dhaqaale ee horey looga qaaday Iran.

Xubno badan oo Jamhuuri iyo Dimoqraadi ah ayaa diidan in Iran dib loo saaro cunaqabateyn, taasi oo baabi’in doonta heshiiska, waxaana la filayaa in Trump uusan ka dalban congress-ka inay sidaas sameeyaan.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office