Madaxweynaha Kenya Oo Xaaskiisa Ugu Hanbalyeeyay Doorka Ay Ka Ciyaarto Arimaha Bulshada Ee Dalkiisa.

(SLT-Nairobi)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa bogaadin iyo mahadcelinba u diray xaaskiisa Margaret isaga oo ku tilmaamay in ay tahay shakhsi aan la iloobi karin doorka ay ka ciyaarto arimaha horumarinta bulshada.

Waxa uu madaxweynuhu xaaskiisa ugu hambalyeeyay doorka muuqda ee ay ka ciyaarto arimaha horumarinta haweenka ee dalka Kenya.

“Waxaan kaaga mahadcelinayaa doorka muuqda ee aad ka ciyaarto arimaha horumarinta haweenka iyo guud ahaan horumarka dalkeena” sidaasi waxaa yidhi Uhuru Kenyatta isaga oo intaasi ku daray.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in dunida iyo dhamaan dadka reer-Kenya ay fahmeen doorka lama iloobaanka ah ee aad ciyaartay, waxaa sidoo kale markasta I farxad geliya guulaha aad gaadho”.

B0xdPYsIEAAtuNV

Waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay xaaskiisa qof markasta u taagan horumarka dalka Kenya iyada oo waxkasta oo ay ku qaadato u dhabaradeygta dadaalka ay kaga jirto sidii ay wax ugu qabanlahayd dalkeeda.

Somalilandtoday\Hargeisa.

Contact@Somalilandtoday.com