Madaxweynaha J.S.L Wuu ku Saxan yahay,go’aanka uu dib ugu soo celiyay xubintii COMMISIONKA Doorashooyinka Qaranka Ee xisbiga WADDANI. W/Q.Maxamed Axmed Cali

Badiyaa marka ay yimaadaan xaalado salka ku haya xagga shuruucda,waxa soo baxa dad aad Moodayso inay dhufayska ugu sii jireen ama haddii si kale loo yiraahdo kayd u sii ahaayeen Xaalad abuurka iyo khalkhal gelinta arrimaha wakhtigaasi taagan.

Waxaad arkaysaa, Rag waaweyn oo dood aan bar- dhammaad lahayn,sagaashanka daqiiqo ee Mefrish stadium Ay ka socoto ciyaarta barjuhu,ku dhammaysta arrin aanay wax macluumaad Ah ka haysan,wuu xiiqsan yahay,waxba kama noola,hakad iyo joogsi malaha hadalkiisu,wax Kale kuma garatide waa MAKIINAD-HADHUUDH,doodiisaneeyna, waxay liishaanka saartaa laba weji mid uun,

In wax xaaraan ahaa, Uu Rabitaankiisa ku doonayo inuu xalaaleeyo,iyo sidoo kale ammuur Sax ah oo qummaati ah,uu u day- dayayo, dariiq uu ugu qiil sameeyo inay xaaraan Tahay.Dadkana markaasi u tusayo gef qaranka laga galay,hadda garo oo waxaas oo dood ah Oo Mararka qaar laga yaabo inay saxmad iyo buuq ka abuurto GAROONKA BARJAHA,Hal Qodob Oo cilmiyaysani kuma jiro ,waxaas oo hadal tiro ah ee uu isna naftii iskaga jaray Annagana Nagaga goynayaa,90kii daqiiqo ee is xaal waraysiga iyo kala faa’iidaysiga Afkaaruhuna nagu Dhaafaan,dhammaantood waa wax jeebkiisa ah.waxaan maqli jiray Mashaqo waa tan oo Kale”.Aamus ma odhan kartid becouse waa nin weyn,casaan daayoo Xataa huruud lama siin Karo,Bal adba!.

Xaalka dadka suuq-geynta booshaaqaasi laasimay,way is dhaantaa waxaanay leedahay Heerar iyo maraaxil kala noocyo duwan.

Inta ay ku egtahay goobaha fadhi ku dirirka iyo golaha BUNKA ayaa lagu tilmaamaa in fidmo-Dhaliyaha xaalkiisu dhow yahay,waxayse xaajo dhabaqdaa ceebihiisa iyo jahliguusana Maryaha furtaan,marka maqaal uu qoray ama muuqaal laga duubay mediaha galo.

Dadka aynu sifooyinkaasi siinay,doodihii u danbeeyey ee ay mediaha mariyeen ,waxay fikirkooda kasoo Dhiibteen,go’aanka Mdaxweynaha JSL Mudane siilaanyo dib ugu celiyay markii Labaad,xubinta xisbiga WADDANI,usoo xulay Commisionka doorashooyinka qaranka.

 

dr-150x150

Waxaanse odhan lahaa dhammaan saaxiibayaal doodihiinnu waa kuwo jaban oo aan Mudnayn in wakhti lagu lumiyo,loomana baahna in saar qabiil iyo caadifad reereed,ama ciil-Qab ka dhashay gef lagaa galay

Oo lagaba yaabo in ciddii kaa gashay aanay u kasba ka ahayn,ay ku geyeysiiso inaad keeb-la Yuurur ku idlaysato maalmaha noloshaada.

Waa dhab DR.Max’d cismaan Fadal waa aqoon yahan hawshaasi qaban kara,Balse is waydii Waxa u diiday buuxinta jagadaasi.

Aqbal inuu shalay iska casilay jagadii xoghayaha arrimaha dibadda xisbiga wadani,Ha is Diidsiin inuu ka mid ahaa aasaasayaashii xisbigaas,

Aqbal inuu xubin ka yahay golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI

Haka qarsan indhaha in is-casilaadiisu ka dhalatay go’aan ay isku raaceen hoggaanka Xisbigu,iyadoo looga gol-lahaa xeelad xisbiga waddani ku doonayay inuu ka mid noqdo Commisionka doorashooyinka.

Ogow inaan xubinta caynkaasi dhexdhexaad ka noqon Karin garsoorka

Looga baahan yahay COMMISIONKA doorashooyinka qaranka.

Ku darsoo haddii aanu Madaxweyne siilaanyo sidaas yeeli lahayn,looma arkeen,

Madaxweyne qaran,balse wuxuu u muuqan lahaa QARAN DUMIS.hase yeeshee,haatan waxa la odhan Karaa madaxwaynuhu wuu abbaaray wadadii saxa ahayd.

Runtii waanu ku Boggaadinaynnaa,xisbiga wadanina waxaanu odhan lahayn I JIID AAN KU JIIDO GACMO DAALIS WEEYEE,Soo xusha xubin kale oo bedesha Dr.FADAL.

Mana fiicna inaad ku sifawdaan, hasha geela cunta ee cabaadda,waayo doorashaa dib u Dhacaysana waad ka qaylinaysaan,hadana ficiladiinu waa kuwo muujinaya dibu dhaca Doorashada……

By:Maxamed Axmed cali