War Deg-deg Ah: Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Oo Magacaabistiisii Ugu Horraysay Sameeyay

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa digreeto ku magacaabay guddida Xil-wareejinta muddada kala-guurka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha cusub ee la doortay, kaasi oo u dhignaa sidan;

Ujeeddo: Magacaabista Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah.

Kadib markii aan la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Kadib markaan xaqiiqsaday muhiimadda xilliga kala-guurka ah; waxa loo magacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in ay noqdaan Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah. Xubnaha Guddidu waxa ay kala yihiin:

  1. Dr. Sacad Cali Shire – Guddoomiye

  2. Maxamed Kaahin Axmed – Xubin

  3. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon – Xubin

  4. Maxamuud Xaashi Cabdi – Xubin

  5. Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare – Xubin

  6. Prof. Axmed Ismaaciil Samatar – Xubbin

  7. Eng. Xuseen Ibraahim Xasan Buuni– Xubin

  8. Eng. Ibraahim Daahir Dubad – Xubin

  9. Yuusuf Maxamed Cabdi – Xubin                                                     

Masuuliyadda Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurku waa diyaarinta iyo hagista dhammaan hawlaha xil-wareejinta xilliga kala-guurka ah iyo goobta xil-wareejinta. Muddada xilka Guddidu waxa uu ku kooban yahay ilaa maalinta xil-wareejinta.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi,

Madaxweynaha La Doortay ee JSL

Somalilandtoday/Hargeysa/Office