Madaxweynihii Hore Ee Dalkaasi Soomaaliya Sheekh Shariif Oo Boqasho Ku Maraya Dhawr Wadan.

(SLT-Dubai) – Madaxweynihii hore ee Dalka aynu jaarka iyo walalahaba nahay ee Somalia Shariif Sheikh Axmed ayaa waxa uu booqasho ku marayaa ilaa Afar dal oo kamid ah kuwa deeq bixiyayaasha ah ee caawiya Somalia.

Shariif Sheekh Axmed oo muddo booqasho ku joogay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa waxa uu shalay safaro saacado qaatay ku gaadhay Magaalooyinka Ankara iyo London, halkaasi oo uu kullamo aan caadi aheyn kula qaatay madaxda dalalkaasi deeq bixiyayaasha ah.

sheekh shariif

Ujeedka safarada Shariif, ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay mid salka ku haya u dhabagalka wadooyinkii u sahli lahaa inuu dib u qabto madaxtinimada dalkaasi. masuul ku wehelinaayey safarka madaxwaynihii hore ee Somaliya  Waxa uu sidoo kale sheegay in Shariif uu taageero ka haysto beesha caalamka, taasina ay suuragalineyso inuu dib usoo hamiyo qabsashada xilka madaxtinimo ee Somalia.

Somalilandtoday Hargeysa Office

Contact@somalilandtoday.com