Madaxweyne Axmed Silaanyo Oo Magacaabay Safiirada Somaliland U Fadhiyi Doona Dalalka Imaraadka Carabta Iyo Shiinaha.

(SLT-Hargaysa) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa magacaabay Safiiradadalka Somaliland u fadhiyi doona dalalka Shiinaha iyo Imaraadka Carabta, sidaana waxa lagu cadeeyay War-saxafadeed ka soo baxay aqalka Madaxtooyada, kaas oo u dhignaa sidan.

heef

 

Date: – 30/06/2015

WAR-SAXAAFADEED

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay  JSL/M/XERM/249-3383/062015, ku magacaabay laba danjire oo cusub, Somaliland u fadhiyi doona Dalalka China iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:             Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:      Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:              In baahi loo qabo magacaabista iyo buuxinta jagada Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalalka China; iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

 

Markuu Ka Fiirsaday:  Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

 

Markuu Ku Qancay:      In ay hanan karaan xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

  1. In Mudane, Cabdi Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiiste), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka China

  2. In Mudane, Baashe Cawil Cumar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

 

ALLAA MAHAD LEH

Axmed  Saleebaan  Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.