Madaxwaynaha Somaliland Oo Guddoomiye Cusub U Magacaabay Gobolka Buuhoodle, Ku Xigeenkii Horena Xilka Ka Qaadey

(SLT-Hargeysa) – Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Siilaanyo ayaa xilkii ka qaadey Guddoomiye ku xigeenkii gobolka Buuhoodle, waxaanu Magacaabay Guddoomiye cusub oo gobalkaasi yeelayo.

Sidaana waxa lagu sheegay Digreeto u dhignayd sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyowaxa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2823/102014,

Xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Buuhoodle, isla markaasina waxa uu madaxweynuhu xilkaasi u magacaabay Masuul Cusub.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Garwaaqsaday:   In baahi loo qabo buuxinta xilka Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle;

Markuu La Tashaday: Madaxda ay hawshani khusayso;

Markuu ku qancay:    In uu hanan karo xilkan;

 Wuxuu go’aamiyay

In Mudane, Cismaan Ciise Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 Ujeeddo:       Xil-ka Qaadis

 Ku:      Mudane, Cabdi-qani Cabaas Muuse

 Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Buuhoodle    

 Mudane,

siilaanyo

Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo shaqada Qaranka.

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

 Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska)
Xoghayaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.