Madaxwayne Siilaanyo Oo Cafis U Fidiyey Maxaabiis Badan Oo Ku Jirtay Jeelka Weyn Ee Burco Iyo Tirada Maxaabiista.

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ayaa waxaa uu cafis Madaxweyne u fidiyay 87 maxbuus oo ku xidhnaa jeelka weyn ee magaalada Burco.

Madaxweyne_Siilaanyo2013
Cafiska madaxwaynaha ayaa xoguhu noo sheegeen inuu la taxaluqo kadib markii uu Xabsiga magaalada Burco gudahiisa ka dilaacay xanuunka Shuban-biyoodka ayna u geeriyoodeen Afar Maxbuus halka ay maxaabiis ka badan 50 Maxbuus oo kalena ay u jiifaan xanuunka Shuban-iyoodka.

Maxabiistan uu madaxwayne Siilaanyo cafiska u fidiyey ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay ee madaxwayne Siilaanyo cafis u fidiyo maxaabiis tiradaa leeg oo ku xidhnaa xabsiga magaalada Burco.

Xaalada magaalada Burco ayaa wakhti xaadirkan maraysa meel adag oo u baahan in loo gurmado, waxaana gobolka Togdheer fara baas ku haya xanuunka Shuban-biyoodka oo sababay dhimashada dad tiro badan, halka ay xanuunkan u jiifaan dad kor u dhaafayaa 2000 (Laba Kun) oo qof.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office