Madaxwayne Obama Iyo Angela Merkel Oo Cambaareeyey Madaxwaynaha Ruushka

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa khadka teleefonka kula hadley Mustashaarka dalka Jarmalka Angela Merkel maalintii Khamiista. Labada Hoggaamiye ayaa si wadajir ah u canbaareeyey duqeyntaas waxaana y ku tilmaameen “mid wuxuushnimo ah” oo ay ku hayaan Bariga Allepo diyaarada Ruushka iyo ciidanka xukuumadda Siiriya.

Waxay isku waafaqeen Obama iyo Merkel in Ruushka iyo Xukuumadda Siiriya ay si gaar ah masuul uga yihiin joojinta dagaalka Siiriya, oo ay diideen in fursad la siiyo gargaarka bini’aadanimo in uu gaaro qaybaha la go’doomiyey ee Siiriya.

 

oba_merkel

Todobaadkii hore ayey ahayd markii ciidamada Bashar Assad oo taageero ka helaayo diyaaradaha dagaalka ee Ruushku ay qaadeen weerar aad culus oo ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan bariga Xalab ee jamhaduhu maamulaan, boqolaal gantaalaha diyaaradaha ah ayaa ku dhacay burburka dhismayaasha Xalab, waxaana ku geeriyoodey in badan oo kamid ahaa dadkii ku harey magaalada.

Sida laga soo xiganayo QM ugu yaraan 96 caruur ah ayaa ku geeriyoodey todobaadkii u danbeeyey, waxaana Ban Ki-moon ku tilmaamey Aleppo in ay noqotey mid ka xun gawaanada dhiigu qul-qulo.

John Kerry ayaa sheegay maalintii shalay in Maraykanku ka baxaayo dhamaan wada-shaqeyntii ay la wadaageen Ruushka ee arrimaha Siiriya.