Madaxwayne Donal Trump Oo La Filayo Inuu Go’aan Ka Soo Saaro Ciidamada Maraykanka ee Ku Sugan Dalka Afghanistan.

(SLT-Washingtin)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu aad ugu dhaw yahay inuu ku dhawaaqo go’aankiisa sida weyn loo sugayo ee ku saabsan tirada ciidammada Mareykanka ee uu qorsheynayo inay sii joogaan waddanka Afganistan.

Madaxweyne Trump ka hadlayay New Jersey ayaa u sheegay weriyayaasha in arrinta Afganistan ay isaga u tahay go’aan muhiim u ah.

 

 

Dowladda Mareykanka ayaa haatan dib u eegeysa istaraatiijiyada ciidammadeeda ku sugan Afgansitan, kadib lix iyo toban sano oo ay dagaalo kula jireen dagaalyahanada Daliban ee waddankaasi Afganstan.

Wararka ayaa sheegaya in la taliyayaasha sarsare ee dhanka ammaanka ee madaxweyne Trump ay ku kala qeybsameen in ciidmo Mareykan ah oo dheeraad ah loo diro Afganstan ama kuwa haatan ku sugan intooda badan laga soo bixiyo waddankaasi.