Madaxwayne Biixi Oo Kulan La Qaatay Xildhibaanka Loo Saadaalinayo Inuu Kursiga Maayirnimada Ka Bedelo Cabdiraxmaan Soltelco.

(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Saleebaan Daahir Dogox oo ka mid ah xildhibaanada ugu cad cad golaha deegaanka degmada Hargeysa ayaa kulan la qaatay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo ku qaabilay qasriga Madaxtooyada.

Xildhibaan Dogox ayaa bulshada la wadaagay sawir muujinaya kulanka uu la qaatay Madaxwaynaha, hase yeeshee muu raacinin wax faah-faahin ah, waxaana uu ku ladhay sawrikaas qoraal kooba oo u dhignaa sidan “Kulan qiima leh oo xogwaraysi ahaa oo aniga Madawaynaha qaranka Somalailand Muse Biixi cabdi kaasoo ka qabsoomay xafiiska Madaxwaynaha”.

Xildhibaan Dogox waxa muddooyinkii u dambeeyey loo saadaalinayay inuu kursiga ka tuuri doono Maayirka degmada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco, waxaanay xantaasi sii xoogaysatay markii xilka laga qaaday xoghayihii hore ee golaha deegaanka Cali Xasan Cawaale.

Geesta kale Xildhibaan Dogox waxa uu murashxanimadiisii ugu horraysay ku cadeeyey inuu hunguri ka qabo maayirnimada, hase yeeshee waxaa wakhtigaas la doortay allah ha u naxariistee Eng Yuusuf oo muddo yar markuu xilka hayay geeriyooday.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office