Madaxwaynaha Uganda Muxuu Ka Yidhi Maxkamadda Dambiya Ee ICC?

(SLT-Uganda)-Madaxwaynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni oo ka qayb galay maalinta xornimada dalkiisa ayaa ka dayriyay habdhaqanka maxakamadda caalamiga ICC taasoo uu ku tilmaamay inay tahay gumaysi cusub oo loo samaysatay madaxda Afrika.

president-yoweri-museveni-of-uganda2
Madaxwayanah Uganda ayaa aad uga xumaaday sida ay Maxkamaddu ula dhaqantay Madaxwanaha Kenya Mr. Uhuru Kenyatta kaaso todobaadkii hore hor maxkamadda dambiyada caalamiga oo kusoo oogtay dacwado la xidhiidha dagaaladi ka dhacay dalka Kenya dabayaqaadii 2007-dii.
Hadaba Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa ku taliyay in madaxda afrikaanku ay dib u eegaan xidhiidhka ay la leeyihiin maxkamadda ICC . Hadalkan Madaxweynaha Uganda ayaa muujinaya sida ay madaxda Afrikaanku ay u karheen Maxkamaddan oo ay u arkaan in loo samaystay qaarada Afrika.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday