Madaxwaynaha Somaliland Oo Qaabiley Madaxa Shirkadda Bollare Iyo Dawladda Itoobiya Oo Taageertay Horumarinta Lagu Sameynayo Dekedda Berbera

Hargeysa (Somalilandtoday) – Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa qaabilay shirkadda faransiiska ah ee Bollare, oo doonaysa inay Maalgashato dekedda Berbera isla-markaana ay caalamiyeyso.

Picture812

 

Madaxwaynaha Somaliland iyo Madaxa shirkadda Bollare, Mr Dominique Lafont, oo ay wehelinayeen Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirro kale, ayaa waxay ka wada hadleen Maalgashi shirkaddu ku samayso dekedda Berbera, si dekeddu ay mustaqbalka ula tartanto dekedaha dalalka Geeska Afrika.

Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxa shirkadda Bollare, Mr Dominique Lafont, ayaa waxa shir jaraa’id qabtay isla-markaana saxaafadda u faahfaahiyey maxsuulka kulankaasi, Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland iyo Madaxwaynaha shirkadda Bollare, Dominique Lafont.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Maanta (shalay) waxaanu halkan ku soo dhaweynay Madaxweynaha shirkadda Bollare ee dekedda Berbera nagala shaqeynayey, sidaad ula socotaan dhowr jeer oo hore ayay halkan nagu soo booqdeen, waana shirkad dhinaca dekedaha ah oo adduunka ugu weyn, waxayna ka yimaadeen imika Itoobiya oo ay kula soo kulmeen raysal-wasaaraha, waxaanuna ka wada hadalley sidii aanu u sii wadi lahayn shaqada, horena way noola shaqeeyeen, intaas ayay u socdeen, Madaxweynaha ayaana qaabilay”

Madaxweynaha Shirkadda Bollare, Mr. Dominique Lafont, oo isna shirka jaraa’id ka hadlay ayaa yidhiWaxaanu soo booqanay Madaxwaynaha Somaliland, si aanu ugu bandhigno ballanqaadkii ahaa shirkadda French Bollare Group oo la aasaasay 200 boqol oo sano ka hor inay horumariso dekedda Berbera oo ay ku xidho Itoobiya”

Dominique Lafont, waxa kale oo uu sheegay in raysal-wasaaraha Itoobiya si adag u taageeray Maalgashi shirkadda Bollare ku samayso dekedda Berbera  “Shalay (doraad) waxaan booqday raysal-wasaaraha Itoobiya, kaasi oo si adag u taageeray mashruucan (Horumarinta dekedda Berbera)…” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Sidaan filayo mashruucani wuxuu ku socdaa inuu noqdo mid u dhexeeya Somaliland, Itoobiya iyo Bollare, si loo maalgeliyo oo loo abuuro shaqooyin, dekeddana looga dhigo mid si aad ah u shaqeynaysa, ugana qayb-qaadata kobaca dhaqaale ee Somaliland”

Mr. Dominique, waxa kale oo uu xusay inay ku faraxsan yihiin in shirkaddoodu maalgashato dekedda Berbera “Annagu aad iyo aad-baanu ugu faraxsanahay inaanu idin caawinno…”ayuu yidhi.

 Xigasho Wargayska Somalilandtoday