Madaxwaynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Ahmiyadda Xoolaha Nool Iyo Wasiir Cabdi Aw Daahir Oo Is Barbar Dhigay Faraqa U Dhexeeya Qiimaha Adhiga Ee 2010 Ilaa 2014-ka

(SLT-Hargeysa) – Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa shalay xadhigga ka jaray Dhisme laba dabaq ah oo ay wasaaradda Xanaanada Xooluhu hirgelisay.

Madaxwaynaha, Wasiirka xannaanada xoolaha iyo wasiirro kale oo tiro badan ayaa hadallo ka jeediyay Munaasibaddii lagu furayey dhismahan oo noqon doona xafiiska guud ee wasaaraddaasi.

Wasiirka xannaanada xoolaha, Dr. Cabdi Aw Daahir oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha xadhigga laga jaray uu noqonayo xafiiska guud ee wasaaradda, isaga oo tilmaamay inuu ku kacay lacag gaadhaysa dhowr boqol oo dollar.

 

unnamed-182

Wasiirku, sidoo kale waxa uu ka hadlay waxqabadka wasaaraddiisa, isaga oo sheegay inay kordhiyeen shaqaalaha wasaaradda, talaalka xoolaha iyo horumarintooda, isaga oo xusay in xitaa qiimaha xooluhu kor u kaceen intii xukuumaddani talada dalka haysay “Madaxwayne intaynaan iman (xukunka) xoolaha dalka ka dhoofaa waxay ahaayeen 1.800.000 (milyan iyo 8 boqol oo kun), maantana waxa dhoofa 3.500.000 (saddex milyan iyo 5 boqol oo kun), Madaxwayne xooluhu kooto ayay ahaayeen 2010-kii oo neefka adhiga ahi wuxuu ahaa $ 38 doollar, maantana waa $ 90 doollar, taasina waa markii ay kootadii ka saarnay (cidda iibsata)..” ayuu yidhi, wasiirka xannaanada xoolaha Somaliland.

Munaasibadda oo ay masuuliyiin badan ka hadleen ayaa waxa soo gunaanaday Madaxwayne Axmed Siilaanyo, oo halkaasi ka sheegay sidan “Faraxad wayn bay ii tahay inaan ka qayb-qaato furitaanka wasaradda xananadda xoolaha, mashruucaas oo ah mashruuc wayn xanaanadda xooluhu laf dhabarta nolosheena weeye, waxay Soomaali ku degan tahay weeye, waxay soomaali umad ku tahay weeye, inagana dhinac kasta ha noqoto waa waxa nolosheenu inta badan ku dhisan tahay weeye, sidaa daraadeed inaynu marwalba ahmiyadda ay leedahay aynu siina waajib ina saaran weeye”ayuu yidhi.

Madaxwaynaha oo sii hadlaya ayaa sheegay “Markaa farxad wayn bay ii tahay inaan xafaladdan kasoo qaybgalo furitaanka xanaanadda xoolaha, waxanu ballan qaadaynaa haddanu nahay dawladda inaanu gacan wayn ka siino Hay’adaha ku shuqul leh horumarinta xoolaha, dhaqistooda, dhoofintooda iyo horumarintooda”

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday