Madaxwaynaha Somaliland Oo Baarlamaanka U Gudbiyey Xubintii Xisbiga WADDANI Ee Guddida Doorashooyinka Qaranka

(SLT-Hargeysa) – Madaxwaynaha Somaliland, ayaa Golaha wakiilada u gudbiyey Xubin cusub oo xisbiga WADDANI u soo xushay inay uga mid noqoto Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.

Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

waxa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/SHGW/081-2818/102014           ,

Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Jamhuuriyada Somaliland ugu gudbiyey Xubintii todobaad ee Xisbiga Waddani soo bedelay.

MSiilaanyo

Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada JSL                                                         

Ujeedo: Soo Gudbin Xubintii Ka Dhinnayd Guddida Cusub ee Doorashooyinka Qaranka

Mudanayaal,

Waxaan si sharaf iyo qadarin mudan halkan magaciisa iyo CV-giisa idiinku soo gudbinayaa Mudane, Cabdiraxmaan Cismaan Aadan (Sagal) oo ah Xubinta Xisbiga WADDANI u soo xulay Guddida Doorashooyinka Qaranka si aad uga gudataan waajibaadkiinna Dastuuriga ah.

ALLAA MAHAD LEH

 Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska)
Xoghayaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.