Madaxwaynaha Iiraan Oo Si Adag Uga Hadlay Dhismayaal La Dumiyey.

(SLT-Tehran)-Madaxweynaha Iiraan Xasan Rawxaani ayaa wacad ku maray in uu “soo heli doono dambiileyaasha” masuuliyadda ku leh guryaha ku dumay dhulgariirkii cabirkiisu ahaa 7.3-da ee Axaddii dhacay.

Wuxuu tilmaamay in ay dumeen dhismayaashii ay dawladdu dhistay, kuwii ay shacabku dhisteenna ay wali taagan yihiin.

Isaga oo khudbad ka jeedinaya Sarpol-e Zahab oo ah magaalada uu dhulgariirku dhibka ugu badan u gaystay ayuu tilmaamay labo dhisme oo midna dumay midna taagan yahay.

Dhulgariirka waxaa ku dhintay 400 oo ruux, 8,000 oo kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray.

Inkastoo warbaahinta dawladda ee Irna ay markii hore ku warrantay in ay dhinteen 530ruux, haddana markii dambe waxay dhimashada ku sheegtay 432.

Iranian President Hassan Rouhani visits Sarpol-e Zahab county in Kermanshah that was hit by a powerful earthquake, Iran November 14, 2017Lahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionThe buildings behind President Rouhani highlight the difference in damage between privately-built and state-built homes in Sarpol-e Zahab

Laakiin waxaa loo malaynayaa in dad badan ay dhinteen oo ay ku hoos jiraan burburka kuwaas oo aan wali daabicin waraaqihii caddaynayay geeridooda, taas ayaana ka dhigan in aan wali lagu darin diiwanka rasmiga ah ee dawlada.

Dawladda ayaa la daalaadhacaysa in ay gargaar gaarsiiso gobolka Kermanshah ee galbeedka dalkaas, halkaas oo boqolaal guri ay ku burbureen dad badanna ay dibadda seexdeen iyadoo ay cimilada aad u qabawdahay.

Madaxweyne Rawxaani ayaa Talaadadii booqday gobolka, maalin baroordiiq qaran ah ayuuna ku dhawaaqay isaga oo telefeshin toos looga baahinayo.

Qaarka mid ah guryaha waxaa soo gaaray burbur ka badan kuwa kaleLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionQaarka mid ah guryaha waxaa soo gaaray burbur ka badan kuwa kale

Wuxuu sheegay in ay dawladdu dayn iyo deeqba siin doonto dadka guryo la’aanta noqday, caddaaladdana la soo hor istaajin doono qofkaste oo lagu helo in uusan raacin xeerarkii dhismeyaasha.

Wuxuu su’aalay “yay tahay in la eedeeyo?”

Wuxuuna isugu jawaabay “waa arrinta ay tahay in aan dabogalno, waa in aan helnaa dambiileyaasha, dadkuna waxay naga sugayaan in aan hor keenno dambiileyaasha.

“Arrintaasna waan samayn doonaa, waan samayn doonaa”. Ayuuna hadalka sii raaciyay Rawxaani.

Sawirro aad la isugula wadaagay baraha bulshada ayaa muujiyay dhismeyaal gaar loo leeyahay oo uusan saamayn ku yeelanin dhulgariirku kuwaas oo ku ag yaalla dhisme burburay oo qayb ka ah mashruuca Mehr, oo uu billaabay madaxweynihii hore ee Iiraan Maxamuud Axmediin Najaad, kaas oo labo milyan oo guri loogu dhisayay dadka uu dhaqaalahoodu hooseeyo.