Xukuumadda Somaliland Oo Beenisay In Madaxweyne Siilaanyo Ka Hadhay Tartanka Doorashadda Madaxtooyadda.

(SLT-Hargeysa) – Madaxtooyada Somaliland, ayaa beenisay warar sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu ka tanaasulay tartankii doorashada madaxtinimo ee lagu wado inay ka qabsoonto dalka sannadka fooda inagu soo haya ee 2015-ka.

Warkan oo ay baahiyeen Wargeysyada Geeska Afrika Iyo Ogaal, ayaa Madaxtooyadu sheegtay in aanay waxba ka jirin.

Sidaasna waxa daboolka ka qaaday Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland, Axmed Saleebaan Dhuxul oo u waramay shabakadda wararka ee Gudgudenews.com, isagoo ku sugan magaaladda Addis-ababa ee dalka Itoobiya.

Afhayeen Dhuxul waxa uu sheegay in madaxweynaha Somaliland uu u taagan yahay una sharaxan yahay doorashada madaxtooyada ee lagu wado inay dalka ka dhacdo badhtamaha sannadka 2015-ka, waxaanu been  cad iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay warka labada Wargeys maanta baahiyeen “Waxaan halkan ka caddaynayaa in Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu u taagan yahay murrashaxna u yahay doorashadda madaxtooyadda ee lagu wado inay dalka ka dhacdo, waxa kale oo aan beeninayaa war maanta ay daabaceen wargeysyadda Ogaal iyo Geeska afrika oo ahaa mid been abuur ah oo aanay waxba ka jirin, ma jirto meel madaxweynaha Somaliland kaga hadhay tartanka doorashada, waxaanu u sharaxan yahay kalkiisa labaad ee dastuurka dalku u baneeyay,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyaddu,

Dhuxul

Mr. Dhuxul waxa kale oo uu u soo jeediyay warbaahinta inay axadhaan oo ka baraan degaan xaqiiqadda wararka ay baahinayaan xambaarsan yihiin, “Waxaan ku boorinayaa wargeysyadda Ogaal iyo Geeska Afrika inay ka waantoobaan wararka been abuurka ah, isla markaana ay hubiyaan wararka ay bulshadda u gudbinayaan,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland.

Somalilandtoday.com/Hargeysa Office

Contact@Somalilandtoday.com