Madaxtooyada Oo Wakiilada U Gudbisay Waraaqaha Xubnaha Komishanka Doorashooyinka

(SLT-Hargeysa) – Madaxtooyada Somaliland, ayaa Golaha Wakiilada u gudbisay dhukumantiyada la xidhiidha caafimaadka iyo dambi la’aanta ee 7-da xubnood ee loo xulay inay noqdaan Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, kuwaasi oo lagu wado in Golaha wakiiladu ansixiyaan Sabtida.

Sidaana waxa sheegay Wasiirka xidhiidhka Golayaasha, cilmi-baadhista iyo tiknoolajiyadda ee Somaliland, Cali Xaamud Jibriil, isla-markaana ay xaqiijiyeen Guddi hoosaadka Arrimaha gudaha ee Golaha wakiilada oo shalay kulan la yeeshay xubnaha cusub ee guddida doorashooyinka qaranka.

Guddoomiyaha Guddida arrimaha gudaha ee Wakiilada, Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) oo guddidiisu awood u leedahay baadhitaanka iyo xaqiijinta dhukumantiyada la xidhiidha dambiyada iyo caafimaadka ee xubnaha Doorashooyinka, ayaa kulanka ay la yeesheen ka dib, saxaafadda u sheegay inay xubnahan isugu yeedheen markii ay doraad uun soo gaadheen waraaqahoodu “Waxaanu la kulanay xubnaha Guddida doorashooyinka ee dhawaan la soo magacaabay, inkasta oo aad loo habsaamay oo shalay (Doraad) uun ay annaga na soo gaadheen waraaqahoodu” ayuu yidhi, Xildhibaan Rayte, oo intaasi raaciyey “Cidda ay tahay inay baadho, kala reebto, shaandheyso, daba gasho waraaqahooda iyo xaqaa’iqa ay xambaarsan yihiin waa guddida arrimaha gudaha”

Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa sheegay “ILAAHAY hawsha wuu noo fududeeyay oo aanu ka dhamaysanay (Xubnahan) waajibkii aanu ku lahayn, annagana waajibaadkayagu wuxuu yahay inaanu hubinno in xubnahani u qalmaan inay ka mid noqdaan Guddida doorashooyinka qaranka, waanuna isla ogolaanay guddi ahaan”

Warka Komishanka Cusub

Xubnahan ayaa Sabtida la hor-geynayaa Golaha wakiilada Somaliland, si codka kalsoonida loogu qaado.