Madaxii Shirkadda TOTAL Oo Shil Diyaaradeed Ku Geeriyooday

(SLT-Moscow) – Madaxii guud ee Shirkadda Shidaalka Total Christophe de Margerie ayaa ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka.

Shilka ayaa yimid kadib markii diyaaraddiisa khaaska ahayd ay ku dhacday mid kamid ah qalabyada yaalla garoonka diyaaraddaha.

Waxaa la geeriyooday saddex kamid ah shaqaalaha diyaaradda oo ay ku jiraan kabtanada.

Total

Baadhitaano la xidhiidha shilka ayaa bilowday, waxaana uu dhacay shilka habeenimadii isniinta xilli uu kusii jeeday magaalada Paris.

 

Shirkadda Shidaalka Total oo laga leeyahay Faransiiska ayaa kamid ah shirkadaha ugu waaweyn dunida ee iibiya shidaalka, waxaana ay ka howlgasha inka badan 50-wadan.