“Annagu Dawladna Ku Qasbi Mayno Inay Na Aqoonsato” Madaxwaynaha Somaliland

(SLT-London) – Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo la hadlayay Wargeyska The Guardian ee Fadhigiisuhu Cariga Ingiriiska ka hor inta aanu shalay dib ugu soo noqon dalka ayuu sheegay in Somaliland aaney dalna ku khasbeynin in uu aqoonsi siiyo, laakiin ay Somaliland markasta diyaar u tahay in codsigeeda u gudbiso dalkasta si arinta ay ku dooneyso aqoonsiga ay dhammaan u wada arkaan dalalka dunida.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Somaliland ay mudo dadaal badan ku bixineysay sidii ay dunidu ugu aqoonsan lahayd dal Madax-banaan, uguna min noqon lahayd dalalka calamadoodu ay ka dulbabanayaan xaruunta Qaramada Midoobay.

NNxbJHwpa6tBsRI_xU_7_qc8EQuDm90Nczv2Y1JfWB4319PrmGJdEPLSRsTsvnGC9PPxVeMz_3xZToL0oUJ7i-DQtkcFfdZYToO09IlA2MWPuG5p=w386-h217-nc

Axmed Maxamed Silanyo Waxa uu carabka ku adkeeyay in Somaliland ay xaq u leedahay in ay hesho aqoonsi caalami ah, maadaama Somaliland ay markeedii hore ahayd dal gaar u taagan oo ay aqoonsadeen 25 dal oo dunida ku yaala, wax yar uun ka hor inta aaney la midoobin dalka Somalia.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in maadaama Somaliland ay xiligaasi ahayd dal gaarkiisa u taagan ay iminka xaq u leedahay in dunidu ay markale siiso aqoonsi caalami ah “Waanu jeclaan lahayn in lana aqoonsado,laakiin annagu dawladna ku qasbi mayno aqoonsi inay na siiso, waayo muddo aad u dheer ayuu dalkayagu nabadgalyo iyo hanaan dawladnimo ku naaloonayaa” ayuu yidhi, Madaxweynaha Somaliland, oo intaasi raaciyey in dedaalka aqoonsi raadineed ee Somaliland sii socon doono “Madax-bannaani Doonka Somaliland, Wuxuu La Mid Ah Ka Scotland Iyo Catalonia, inkasta oo aanu annagu arrintayadu ay tahay mid mudan in si gaar ah loo eego, maadaama oo ay Somaliland markii hore ahayd waddan gaar u taagan”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu ku celceliyay in Somaliland ay xaq u leedahay in si la mid ah Catalonia iyo Scotland oo iyagu soo gudbiyay codsiyadooda ay ku doonayeen aqoonsiga ay dunidu aqbasho in Somaliland la aqoonsado,maadaama ay buuxisay dhammaan shuruudihii dal uu gaar isugu taagi karayay.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silanyo waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in shacabka reer Somaliland ay muddo u soo dhabar adeygeen sidii ay u ilaashan lahaayeen nabadgelyadooda iyo qaranimadooda, haddana ay diyaar u yihiin in ay sugaan inta dunidu ka aqoonsaneyso dalkooda iyo mar walba.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday