Hargeysa: Madaarka CIGAAL Oo Yeeshay Dab-damis 2-aad Oo Kor U Qaadaya Qiimeyntiisa Ammaanka + DAAWO Sawirro

(SLT-Hargeysa) – Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland ayaa ka hadashay gaadhi cusub oo dab-damis casri ah oo loo soo iibiyey Madaarka Cigaal ee Caasimadda Hargeysa.

Dab-damis 3

War Saxafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Wasaaradda Duulista Saddaam Maxamed Axmed oo lagaga hadlay dab-damiskan ayaa sidoo dhamayn tiran u dhignaa sidan “Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland oo in muddo ah ku hawlanayd sare u qaadida ammaanka, iyo tayeynta badqabka Madaarka caalamiga ah ee Cigaal Airport ayaa keentay Dab damis labaad oo tayadiisu ay sarayso.

Dab-damis 2

Gaadhigani dabdamiska ah, oo ah nooca loogu tallo galay in lagu bakhtiiyo wixii dab ah ee ka kaca Diyaaradaha madaarka adeegsada iyo dhismayaasha Madaarka ayaa hadda soo gaadhay Garoonka Cigaal, isagoo bilaabay shaqadii loogu tallo galay.

Dab-damis 1

Dab-damiskani oo darajadiisu tahay Heerka Sagaalaad (Category 9 Rescue) ee gaadiidka la dagaalama dabka, iyo mid kale oo Xukuumadda Somaliland hore u soo iibisay lana soo bandhigay Bishii Siddeedaad ee sanadkan, ayaa waxa ay wax weyn ka tari doonaan baahi weyn oo Madaarka Cigaal uu qabay sare u qaadida Badqabka Garoonka, iyaga oo geesta kalena kordhin doona Derajada madaarkeena ee qiimaynta Hay’adda ICAO.

Dab-damiska Cusub

Dab-damis 4

Sidoo kalena, Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland ayaa wada tababaro lagu tayeynayo hawladeena la tacaalida dabka, tababaradaas oo looga danleeyahay in sare loogu qaado aqoonta ay shaqaalahaasi u leeyihiin la dagaalanka dabka, iyo adeegsiga gaadiidka casriga ah ee la keenay.”


ALLA MAHAD LEH.

Saddam Maxamed Axmed

Afhayeenka Wasaaradda Duulista Hawada & Gaadiidka Cirka JSL.

25/10/2014.