MACAANEEY MA NABAD BAA ?

MACAANEEY  MA  NABAD  BAA.

 Abwaan: Ibraahim-rashiid Cismaan Guure (aboor),

           Waxaan u  tiriyyey Inaabtiday.

 

MAANDHADAY  SAMIIRAAY

MIYYI  IYYO  MAGAALIYYO

MEEEL  KASTOO  AAN JOOGOBA

MAANKIYYO  QALBIGA  IYYO

MASKAXDAAD  KU  LADHANTOO

MA  OG  TAHAY HAWEEN KABA

MURAADBA  UMA  YEEESHOO

MARWOOY  ADIGA  MOOYYEE

DUMAR  KALE MA  EEGOO

MUXIBBADA  DAREENKA  LEH

MARNA  KALAMA  DOOODO’E

MACAANEEY  MA  NABAD  BAA ?

 

MAANDHADAY  SAMIIRAAY

MILGIHIYYO  XISHOODKIYYO

HADALLADAN  MACAANEED

MAR-KASTABA  TIDHAAHDAA

MIYYIR  KAYGI  QAADDAYE

MA  OG TAHAY HAWEEN  KABA

MURAADBA  UMA  YEEESHOO

MARWOOY  ADIGA  MOOYYEE

DUMAR  KALE  MA  EEGOO

MUXUBBADA  DAREENKA  LEH

MARNA  KALAMA  DOOODO’E

MACAANEEY  MA  NABAD  BAA ?

MAANDHADAY  SAMIIRAAY

MIDAB  KAAGA  DHIINKA  AH

MIISAANKAN  QURUXDEE

RABBI  KUGU  MANNAYSTAAN

KAAGA  MAARMI  WAAYAYE

MA  OG TAHAY HAWEEN  KABA

MURAADBA  UMA  YEEESHOO

MARWOOY  ADIGA  MOOYYEE

DUMAR  KALE  MA  EEGOO

MUXUBBADA  DAREENKA  LEH

MARNA  KALAMA  DOOODO’E

MACAANEEY  MA  NABAD  BAA ?

………………Dhammaad.

 download11-150x150