“Maayarka Iyo Ku Xigeenkiisa, Ha Laga Daayo Xag-xagashada” Caaqil Afey

(SLT-Hargeysa) – Chief Caaqil Cabdiraxmaan Xuseen Xasan (Afey) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka reer Somaliland, ayaa baaq talo ah u diray xubnaha Golaha Deegaanka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo uu khilaaf ka dhex taagan yahay.

Caaqilku, waxaa uu sidan ku sheegay Shir-jaraa’id oo uu galabta ku qabta magaalada Hargeysa, kaasoo uu sheegay inuu talo waayeelnimo iyo dar-daaran isugu jirta uu dirayo xubnaha Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa.

Afey

Isagoo sheegay in aan loo baahnayn xiligan in la rido Maayarka iyo ku xigeenkiisa oo uu ku tilmaamay inay u adeegayaan bulshaddii soo dooratay “Ha laga daayo xag-xagashadda Maayarka Caasimadda iyo ku xigeenkiisa oo halagu gacansiiyo wixii horumar ah ee ay ka waddan Caasimadda, wixii toosin ahi yey noqon waanu idin rideynaa, waxaan qaba in horumarku ku jiro inay joogaan [Maayarka iyo ku xigeenka]. Iyagana waxaan odhan lahaa qaata wixii tallo ah ee danta caasimaddu ku jirto, taasoo ah wixii la idiin soo doortay. Xildhibanadda idiin doortay ee ku wadda jirtaan Golaha deegaanka ka qaata wixii fikir ah ee wax saxaya, wixii qalad ah-na si talo-wadaag ah ugu qanciya”