Xoghayaha Dawladda Hoose Oo Markale Eedaymo U Jeediyay Madaxda Sare Ee Dawladda Hoose

(SLT-Hargeysa)-Xoghayaha dawaladda hoose ee Hargeysa Cali Xasan Cawaale oo shalay warbaahinta ugu waramay xafiiskiisa ayaa sheegay in khilaaf dhinaca maamulka ahi ka taagan yahay dawladda Hoose, eedo usoo jeediyay maayirka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), kaasi oo u dhexeeyay isaga iyo maayirka. Xoghayahu waxa tilmaama

“waxa jira waxyaabo badan oo maamulka ku khaldan oo aan munaasib ku ahayn amaba aan la jaanqaadi Karin waqtigan dawladda hoose ayaa jirta. Mudadii koobnayd ee aan joogay, iyadoo meesha la ii keenay sixid, aniga oo wax olole u gelin booskan ayaa wasaaradda daakhiligu iisoo magacowday, iyadoo mudadaasi aan joogay dawladda hoose waxbadan oo aan ka xaliyey duruufo badan oo waqtigaasi ku xeernaa dawladda hoose way jiraan, waxbadan oo xalin u baahanina way jiraan. Kuwaa qabyada ah oo waqtigan xaadirka ah aan kor ugu sii socon Karin maamulka ayaa bilaabay amaba keenay khilaafka, siiba xaga dhaqaalaha dawladda hoose.

Haddii aan ka hadlana, inta badan waxa la iweydiiyaa shaqaalaha mushaarkoodii. Runtii muddii aan joogay dawladda hoose waxay bixisay deyn dhan saddex iyo toban bilyan shls oo ah deymihii taagnaa (outstanding), waxay kamid ahaayeen caqabad kamid ah caqabadaha jira. Kuwaasi deyn may ahayn, deyn taagan bay ahayd (outstanding checks) jeegag socda oo saxeexan oo aan baankana wax lacagi u oolin, dadkiina gacanta ku haystaan, ayaa ahaa waxyaabihii caqabadihii ugu waaweynaa ee aan kala kulmay. Waxa iyana aan caqabad kala kulmay xaga maamulka sare oo ah maayirka, oo maayirku aanu ogolayn inaan markaasi aan meesha imaado anigu, oo dagaal badana ku galay sida runta ah. Report baan u qoray dawladdii dhexe ee markaasi jirtay, weli report-kaasna talo la iga siiyay mooyaane, wax jawaab ah oo qoraal ah igumay soo celin, laakiin talooyin badan baa la iga siiyay.

Runtii markii aan imid waxaan isku dayay inaan dakhliga dawladda hoose kor u qaado, tiina runtii waan ku guulaystay oo dakhliga dawladda hoose kor baan u qaaday, shaqaalaha oo aan mushaarka u kordhinay, oo shaqaalaha cashuur qaadaha oo markii hore qaadan jiray shan boqol oo kun oo shil (500,000shl) hal milyan baan uga dhigay, deyntiina waan ka saaray meesha. Waxyaabo badan oo noo qabsoomay oo dhinaca wadooyinka ah ayaa jiray, oo aan ku qiyaasi karo imika inay tahay lix iyo toban wado, hal wado mooyaane, inta kale aan dadweynuhu wax lacag ah (contribution) nagu lahayn.” Ayuu yidhi xoghayaha dawladda hoose ee Hargeysa

Geesta kalena xoghayahu waxa uu sharaxaad ka bixiyey waxyaabaha sababay amaba keenay ismariwaaga u dhexeeya isaga iyo maayirka, iyo sidoo kale sababta ka dambeysa in shaqaalaha dawladda hoose aanay qaadan mushaarkii ay ku shaqeynayeen muddo laba bilood ah, waxaanu isagoo ka hadlaya uu yidhi

“labadii bilood ee u dambeeyay dakhliga dawladda hoose waxa uu hoos u dhacay boqlkiiba laba boqol, halkaanu laba boqol oo milyan maalintii aanu kasoo saari jirnay, imikana kontan milyan ayuu ku dhacay dakhligii, sababtuna waxay ahayd waqtigii ololaha oo taagnaa iyo iyadoo inta bada xiliga kala guurka ah ay yaraadaan cashuur qaadista oo ah waxyaabaha ay dawladda hoose ku tiirsan tahay, dhamaan waxaasina waa waa istaageen. Bishan u dambeysa ee December, saddexdii wig ee u dambeeyay lacagta aanu qabanay waxay dhan tahay Shan bilyan shan boqol todoba iyo lixdan milyan, afar boqol iyo shan iyo konton kun, todoba boqol iyo todoba iyo sodon shilinka somaliland ah (5,567,455,737 Slsh). Muddadii aan dawladda hoose joogay wiigaa u dambeeyay bishan, wiig ay ka dakhli badan tahay dawladda hoose ima soo marin. Haddaba su’aal baase meesha ku jirta, maadaama aanu saddexdaas wiig aanu saarayno lacagta intaa dhan, mushaarka shaqaalahuna uu bishii hal bilyan iyo sagaal boqol yahay, su’aasha isweydiinta mudan ee qof kasta oo garaad lihi isweydiinayaa, wuxuu yahay “muxuu shaqaalahu mushaark u la’yahay. ??????” waa su’aal meesha ku jirta khilaafkana kow bay ka tahay.

Xoghayaha dawaladda hoose ee Hargeysa Cali Xasan Cawaale waxa uu eedo usoo jeediyay maayirka caasimada oo uu sheegay inuu nidaamkii dawladda Hoose ku shaqeyn lahayd baa’biyey, waxaanu usoo jeediyay fulinta oo ah dawladda dhexe inay soo dhex gasho, “Maayirka hargeysi wuxuu dawladdii hoose u qaatay shirkad gaar loo leeyahay, Runta markay noqoto dawladda hoose sidan kuma sii socon karto, haddii aanay dawladda dhexe soo farogelin, waa maqasheen in maamlmahan hadalo maamulka sare kasoo baxayay oo runtii warbaahinta lasoo mariyay oo ah in xoghayahii la bedelay, waxan leeyahay waa la I bedeli karaa, haddii la ii gartana waa la ii dayn karaa, mana aha wax ceeb ah in wax is bedelaan. Waana hadal inta badan meeshan aan joogo ku badan, sababtuna halkan xoghayahu wuxu noqday ganacsi kursi oo bulshada lafteedu ay ka ganacsato, oo lacagi saaran tahay markasta beddelkiisa, markastana in la beddelo xoghayaha waxa lagu bixiyaa lacag ka badan dakhliga kasoo baxa dawladdaha hoose, inay timaad wadashaqeyn xoghayaha iyo maayirku dhici mayso intay sidan wax yihiin ” Ayuu yidhi Xoghayaha fulinta ee dawladda hoose.