Maayarka Caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Soltelco Oo Si Weyn Uga Dhex Muuqanaayay Soo Dhaweyntii Madaxweyne Silaanyo

(SLT-Hargaysa) Maayarka Caasimadda Somaliland, ee Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan Soltelco) oo ayaa si weyn maanta uga dhex muuqanaayay soo dhaweynti Madaxweynaha Somaliland, Mud. Axmed Silaanyo, oo dalka dib ugu soo laabtay.

unnamed (4)

Maayarka Caasimadda ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay qolka VIP-da oo uu Saxaafadda kula hadlay Madaxweynuhu, waxaana hadaladii Maayarka kamid ahaa. “Waxaynu soo dhawaynaynaa Madacweynaheeni  Axmed Maxamed Maxamuud oo dalka safar shaqo kaga maqnaa ku soo dhawoow Madaxweyne”. Hadalkaas oo ahaa iba furkii  Madaxweynuhu ku furay hadalkiisa.

Geesta kale waxaa la arkaayay Maayarka oo taagan qaar kamid ah wadooyinka halbowlaha ah ee Caasimadda, xiligii kolanyada gawaadhida Madaxweynuhu maraayeen.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

contact@somalilandtoday.com