Maareyaha Hamaha Shidaalka Berbera Oo Ka Warbixiyay Waxqabadka Mudadii Uu Xafiiska Joogay.

(SLT-Hargeysa) – Maareeyaha Haamaha Shidaaka Berbera Sheekh Saleebaan Siciid Cali, ayaa sheegay in Qiimaha Shidaalku hoos u dhacay ka dib markii uu dhawaan kor u kacay. Waxa uu sheegay in dib u habayn balaadhan lagu sameeyay Haamaha Shidaalka

Maareeyaha oo ka hadlaya hoos u dhaca Qiimaha Shidaalku waxa uu yidhi “Shidaalkii inaga kala go’ay barigii dhawayto Shidaal yaraantiisii weynu ka baxnay,waxaanan rajaynaynaa sida uu ku socdo inuu hoos uga sii socdo oo uu jabo.waxaanu kordhinay Awooda Haamaha Shidaalka ayaanu kordhinay, tiraba ilaa toban kun oo mitir kuyuumig ayaa kordhay”

mareeye
Maareeye Sheekh Saleebaan Siciid Cali, oo maanta warbaahinta kula hadlayay Magaalada Hargeysa ayaa sharaxay hawlo ka socda Haamaha Shidaalka “Dhisme iyo dib u casriyeynta badan baa ka socota Haamaha Shidaalka,Dayactir gaadiid oo aad u weyn baa ka socda, waxaa ka socda Wadooyin Casri ah oo wakhtigii hore aanay lahayn,iyadoo uu dab ka dhalan karo Gaadhiga Badroolka sidaa haddaanu wado fiican helin, waxaanu samaynay tababaro dhanka Amaanka ah”

Shidaalka ayaa dhawaan kor u kacay,kaasi oo sababay in Baabuurta yaryar qaarkood dadweynuhu iska dhigeen.Ganacsatada Shidaalka keenaya ayaa wakhtigaasi ku sababeeyay in Suuqyadii laga keeni jiray isbedel ku dhacay,iyadoo Wasaaradda ganacsiguna sheegtay inaanay waxba kala socon isbedelka Shidaalka iyo yaraantiisa.

Somalilandtoday Hargeysa Office

Contact@somalilandtoday.com