Maareeyaha Kaydka Haamaha Shidaalka Oo Rejo Ka Muujiyey In Qiimaha Shidaalku Hoos U Sii Dhaco

(SLT-Hargeysa) – Maareeyaha Haamaha Shidaalka ee Berbera, Sheekh Saleebaan Siciid Cali, ayaa sheegay in Qiimaha Shidaalku hoos u dhacay ka dib markii uu dhawaan kor u kacay.
Maareeyaha oo ka hadlaya hoos u dhaca Qiimaha Shidaalku waxa uu yidhi “Shidaalkii inaga kala go’ay barigii dhawayto Shidaal yaraantiisii weynu ka baxnay, waxaanan rajeynaynaa sida uu ku socdo inuu hoos uga sii socdo oo uu jabo. waxaanu kordhinay Awoodda Haamaha Shidaalka, tiraba ilaa toban kun oo mitir kuyuumig ayaa kordhay”

index

Maareeye Sheekh Saleebaan Siciid Cali, oo shalay warbaahinta kula hadlayay Magaalada Hargeysa ayaa sharaxay hawlo ka socda Haamaha Shidaalka “Dhisme iyo dib u casriyeynta badan baa ka socota Haamaha Shidaalka, Dayactir gaadiid oo aad u weyn baa ka socda, waxaa ka socda Waddooyin Casri ah oo wakhtigii hore aanay lahayn, iyadoo uu dab ka dhalan karo Gaadhiga Batroolka sidaa haddaanu wado fiican helin, waxaanu samaynay tababaro dhanka Ammaanka ah”
Shidaalka ayaa dhawaan kor u kacay, kaasi oo sababay in Baabuurta yaryar qaarkood dadweynuhu iska dhigeen.
Ganacsatada Shidaalka keenaya ayaa wakhtigaasi ku sababeeyay in Suuqyadii laga keeni jiray isbedel ku dhacay, iyadoo Wasaaradda ganacsiguna sheegtay inaanay waxba kala socon isbedelka Shidaalka iyo yaraantiisa.

Xiga