Maamulka Tv-ga Star Miyuu Kula Socdaa Wariyahooda Cabdillaahi Maxamed Cali Aflagaadada Ganacsatada London UK Ee U Shabakadaha Ku Baahiyay.

(SLT-London) Cabdillaahi Maxamed Cali oo hore uga hawl galijiray Telefeeshinka Qaranka Somaliland, wuxuu hadda ka shaqeeya Tv-ga gaarka loo leeyahay ee StarTv, oo uu agaasime ka yahay Maxamed Kodhaadhi, ninkan oo lagu tirinaayay ragga inta badan Saxaafadda ku soo jiray, ee la filaayay inay ka koraan caadifada iyo rer nacaybka wuxuu mudooyinkan danbe isu badalay shakhsi aan waxba iska dhawrayn, wuxuuna maqaalo been abuur ah oo xiqdi iyo naxli ka buuxo ku soo qoraa Shabakada Hadhwanaagnews, isagoo magaciisana is qariya oo soo qorta Editor Hadhwanaagnews./London.

xogta-300x168

Arrinta layaab leh ayaa ah, inuu hadda u soo dhigtay ganacsatada allahooda u fooftagatay, isagoo Maqaalkii ugu danbeeyay ku sheegay in Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Wasiirka Madaxtooyaddu u soo diray ganacsade Jaamac Aboor Dubbe lacag gaadhaysa 180,000. lacagta Ingiriiska ah. “Inaa Lillaahi Waa Inaa Ilayhi Raajicuun”. Miyaan dhinaca dhulka laysu dhigayn oo alle aan la hortagayn, Cabdillaahi Maxamed Cali, wuxuu ka baxay anshaxii iyo milgihii Saxaafadda, waxaana ka xoog badatay caadifad iyo cid iska nacii. Jaamac Abokor Dubbe, Uk  iyo London ba waa laga yaqaan, nin ganacsade ah oo alle yaqaana weeye, mana-gayo in aflagaadada intaas leeg lagu sameeyo ganacsigiisa, iyadoo waxa kudha ee loo dhibateeyay tahay Qabiilka uu ka soo jeedo, taas oo wariyahan xududka ka gudbay jiidh siisay nacaybka uu nin Wasiir ah u qabo, ganacsadahan aan waxba u gaysan.

Maamulka Shabakadda Hadhwanaagnews oo ay Cabdillaahi Maxamed Cali kuwada nolayeen waddanka Canada, iyaguna may noqon kuwa caqligoodu shaqeeyo, oo kala saara shacabka sidooda oo kale u ganacsanaaya iyo Ciday cadha iyo ciilka aan la garanayn u qabaan. Waxay ahayd inay Wariye Cabdillaahi Maxamed Cali ku qanciyaan inuu ku joogo heshiis koodi hore ee qoraalada dawladda oo ahaa waxaan “Waxaan dabo galayaa Musuq-maasuqa Xukuumada. Balse dabo gal maha inaad been ka sheegto tukaan Ireland ku yaala oo aad tidhaahdo waxaa haysta nin ay Madaxweynaha isku beel yihiin, taasi waa ummad dhan nac . Gebo gebadii, Maamulka Telefeeshinka StartTv, waxaa looga fadhiyaa inay cadeeyaan inay la qabaan Wariyahan u shaqeeya gardarada iyo dhibaatada uu soo gaadhsiiyay meherada Ganacsatada iyagoo kale ah, ama ay iska baraxaan. Cabdillaahi Maxamed Calina haddii uu ogaa dawlad ka tagaysa. Ganacse Jaamac Abokor Dubbe ka tagi maaye wuu uga fadhiya inuu ku cadeeyo dacaayada uu Meheradiisa u gaystay.

Halkan Ka Daawo Cabdillaahi Maxamed Cali Oo U Shaqaynaaya Tv-ga Star

  Maxamed Cabdi Yuusf,

Hargaysa/ Somaliland.