Maamulka Puntland Oo Dawladda Soomaaliya Kula Garnaqsaday Inay Balaadhiyaan Wadahadalada Somaliland.

(SLT-Garoowe)Madaxweyne ku-xigeenka maamul goboleedka Puntland Cabdixakiin Cumar Camey, ayaa ugu baaqay dawlada federalka Soomaaliya inay ballaadhiso wadahadalka ay kula jirto Somaliland, islamarkaana maamul goboleedka Puntland laga qeyb galiyo wadahadalad u socda Somalia iyo Somaliland.

download (2)

Cabixakiim Cumar Camey ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu soo dhawaynayay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed Maxamed iyo weftigiisa oo lagu qabtay madaxtooyada, wuxuuna sheegay hadii aan wadahadalkan laga qeyb galin inuu u ekaanayo shir beeleed u dhexeeya dawladaha Soomaaliya iyo Somaliland“Shirarka Somaliland iyo Somalia ay wada galayaan haddii aan la balaadhin wuxuu noqonaya shir beeleed.Waa shir aan looga maarmin inay Puntand ka qeyb gasho, kaas oo looga hadlayo danaha ummadda Soomaaliyeed,” Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenku waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “Dawlada Somalia ha kordhiso oo shirkaasi waa shir lagag wadahadalayo dannaha ummada soomaaliyeed oo dhan, waa shir aan ka marmayn inay Putland ka qaybgasho.”

Cabixakiim Cumar Camey wuxuu sheegay Puntland inay u baahan tahay in ay goob joog ka ahaato shirkaan si ay mowqifkeeda uga darsato wadahadalka labada dhinac “Dadka reer Putland mar walba waxay doonayaan inay aragtidooda ka dhiibtan wadahadalada u socda Somalia Iyo Somaliland.”

Hadalka madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan lagu wado inuu bilowdo wada hadal udhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Somaliland.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.