Maamulka Haamaha Shidaalka Berbera Oo Muddo Kooban Waxbad Ballaadhani u Hirgalay. +Sawiro

(SLT-Berbera) Haamaha kaydka shidaalka Qaranka ee Berbera, waxay kamid yihiin goobaha ugu muhiimsan ee dalku leeyahay.  waxaa hore gacanta ugu hayay Sherkadi TOTAL, taas oo heshiis mala awaala muddo dheer ku haysatay, wakhtigii sherkada TOTAL, maamulaysay  haamaha Berbera kamay qaban wax horumar ah oo la taaban karo, marka laga reebo bur-burinta dhuumihii shanta ahaa ee shidaalka soo qaadijiray oo ay ku badaleen dhuun kaliya oo badda hoosteeda marta.

CAWIL CAWL 2Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaamyo, Oo Dhagax Dhigaaya Wado Cusub Oo Laamiya Oo Loo Dhisaayo Haamaha Shidaalka Berbera

Dawladda Xisbiga KULMIYE, oo sannadkii shanaad ee muddo xileedkeeda ku jirta, waxaa maamulka haamaha shidaalka soo maray tiraba ilaa saddex mareeye, kuwaas oo kala ahaa. Dr. Shiine Barkhad, Maxamuud Gahayr, iyo Mareeyaha hadda Sheekh Saleebaan Siciid. Mareeyaha hadda xilka haya Sheekh Saleebaan Siciid ayay u hirgaleen talabooyin horumarineed oo aanay nasiib u helin xubnihii xilka uga horeeyay.

Waxaana u qabsoomay muddo yar oo kooban oo u xilka hayay, dibu habayn ballaadhan oo uu ku sameeyay qaar kamid ah Haamaha Shidaalka, kuwaas oo aan la dayac tirin muddo dheer, sidoo kale waxaa gacanta lagu hayaa tiraba shan Hamood oo cusbonaysin lagu samaynaayo. Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo oo safar ku tagay Gobolka Saxil, wuxuu wakhtigaas dhagax dhigay waddo hal KM iyo badh laami ah oo loo dhisaayo Haamaha, taas oo hadda dhammaad ku dhaw. Dhinaca agabka gadiidka oo dhibaato xoogani ka haysatay Kaydka Haamaha Shidaalka, wuxuu Mareeyaha cusubi ku guulaystay soo iibinta Laba Xajiyadood oo cusub kuwaas oo uu ka dalbaday Wakaalada. Dhulka madaarka Haamuhu ku fadhiyaan oo dayac badani ka jiray, waxaa hadda lagu soo wareejiyay xayndaab cusub oo gabyan ah, sidoo kale waxaa la sameeyay baarkinkii baaburta iyo booyahada shidaalka qaadaya dhiganayeen oo aan hore u jirin.

IMG_074914-500528-DF6EC9-FCA393-099416-126D19m120.jpg

Hubsiimada tayada shidaalka dalka imanaya, oo ah caqabada ugu adag xagga ilaalinta tayada shidaalka,  wuxuu Mareeyaha Cusub ee Haamaha Berbera, u suurto gashay inuu ka hawlgalo sidii tariikhda markii ugu horeysay Somaliland, u yeelan lahayd xarun shaybaadh shidaal, wuxuuna xidhiidho la sameeyay sherkado caalamiya kuwaas oo dhawaan hirgalin doona yagleelida xaruntaas, talabadan oo hor seedaysa in dalka laga isticmaalo shidaal heerkiisu sareeyo.  Marka haddaba la eego muddada kooban ee Mareeyuhu xilka hayay iyo talabooyinka u hirgalay waxaa mustaqbalka laga rajayn karaa horumar ka sii baxad weyn intan hadda qabsoontay, iyadoo sannadkani yahay kii ay Haamaha Shidaalka Berbera ugu waxqabadka badnayeen muddadii Xukuumaddu jirtay.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

contact@somalilandtoday.com