Maamulaha Madaarka Hargeysa: Hogaamiye Ku Talaabsaday Horumar Muuqda!

Maqaalkan waxaan kaga hadli doona qorma yar oo kooban oo ka hadlaysa Hogaamiye da’ yar oo ku talaabsaday hogaan wanaag iyo horumar uu sameeyay mudo koban oo uu xil qaran hayay.

maxamed yuusuf.JPG

Maxamed Yusuf Ismacil waxa uu ku dhashay Caasimada Hargeisa 1987 waxaanu dugsiga hoose dhexe wax ka bartay school-ka Qurac dheer, waxaanu waxbarashadiisi dugsiga sare ka baxay Maxamuud Axmed Cali, waxa uu ka qalin jabiyay Jaamacada Hargeisa 2013 isaga oo ka baxay kuliyada IT.

Maxamed yusuf waxa uu shaqadiisii ugu horaysay ka bilaabay madaarka caasimada hargaysa, isagoo ka bilaabay shaqaale hoosaad (CCTV Operator), muddo kooban iyo daadaal hadh iyo habeenba ah maxamed yusuf waxa uu si

kadis ah ugu gudbay madaxa hawgalinta madaarka (Operation Officer), maxamed mudadii uu joogay booska iyo booskii hoosaba waxa uu ku caan baxay dadaal iyo waliba hufnaan shaqo, u huris nafeed oo shaqada ah, daacadnimo iyo waliba dulqaad ku dheehan tahay akhlaaqad wanaag taas oo uu ku kasbaday in uu noqdo hormoodka da’yarta madaarka, sifooyinkaas iyo waliba dabaceedaha uu maxamed ilaahay ugu deeqay waxaa u dheeraa in wakhtigiisa inta badan uu galiyo shaqada iyo madaarka, sanad iyo dheeraad uu maxamed joogay booskaas sare waxa ay gaadhay wakhtigii maxamed uu ka dalici lahaa booskan.

waxaana wasiirka wasaaradu maxamed ku shaftary in uu noqdo maamule ku xigeenka labaad oo markaa wasiirku u arkayey in qof aan maxamed ahayni ka soo baxayn booskan, oo ah maamulka sare ee airport ka (Deputy Airport Manager), maxamed sidii cadadiisa ahayd waxa uu markiiba bilaabay isbadal talaabo talaabo ah oo ka fiirsi iyo hubsasho badani ku jirto mudo aad u yar ka dib waxaa la dareemay in wax waliba is badaleen, maxamed isagoo ka duulaya siyaasada wasaarada iyo madaarkaba waxaa gabi ahaanba dhalan rogay nidaamkii maamul iyo shaqo ee airportka ee wakhtigaas isagoo taageero ka helaya maamulihii wakhtigaas ee madaarka, akhristoow way adag tahay in system shaqaynaya lagu badalo system cusub oo leh waayo iyo wakhtiyo badan oo mid kastaa leeyahay wanaag iyo xumaantiisa, maxamed wuxuu ku suntanaaday in uu u babac dhigo badalaada systemkaas, isagoo ka duuliya aqoontiisa iyo maskaxdiisa.

Madaarka caasimada booska ugu sareeyaa waa maamulaha madaarka waana hiigsiga iyo himilada maxamed yuusuf, isbadalkaa iyo horomarkaa ka dib maamulka sare ee wasaaradu waxay u arkeen in marka kan loo baahan yahay in gabi ahaanba wax laga badalo nidaamka shaqo ee madaarka si madaarku ula tartamo madaarada geeska Africa, (Regional Airports), si loo sameeyo qorshayaashaas waxa maamulka madaarka ka fikireen iyaa badali kara nidaamka, maamulka sare ee wasaardu oo uu gadhwadeen ka yahay wasiirka wasaarada duulist hawadu iyagoo ka duulaya dadaalkii iyo hufnaantii shaqo ee ay ku barteen maxamed yusuf u garteen in maamulaha madarka caasimada hargaysa loo magacaabo Maxmed yusuf Ismail, alxamduleh maxamed wuxuu gaadhay mid ka mid himilooyinkiisii ugu yar yaraa ee uu doonayey in uu gaadho mustaqbalka dhow iyo ka fogba, isla markiiba sidii caadada u ahayd maxamed wuxuu sameeyey shirar kale gooni gooni ah oo uu ku ogaanayo wada tashina ka samaynayo haayadaha kale duwan ee ka hawl gala madaarka.

shirar xambaarsan talo iyo tusaaloyin kale duwan ka dib maxamed yusuf wuxuu bilaabay isbadal talaabo talaabo ku salaysan iyo waliba ka fiirsan badan oo kolba talaabada la qaadayo ah, waxaana markiiba la dareemay talaabooyin horomar xambaarsan iyo waliba is badal dhab ah, waxay ahayd November 2013 markii maxamed loo magacaabay maamulaha madaarka muddo aan ka badanayn laba bilood maxamed wuxuu ku talaabsaday horomar isagoo samaystay qorshayaal dhow dhow oo uu u kale xidh xidhay toban toban cisho oo toban kastaa leeyahay waayihiisa iyo warbahaarkiisa, alxamduleh maxamed yusuf isagoo ilaahiisa isku xidhaya lana kaashanay madaxda sare ee wasaarada, waxaa u hir gashay horomar lagu doogsaday lagana dareemay daafaha kale duwan ee caalamka iyo waliba dalka gudihiisa waayo madarka waxa ka dhoofa dad ka kale yimid daafaha caalamka. Waxaa xusid mudan in maamulka sare ee wasaaradu ka nasteen shaqdii iyagoo arkaya sida maxamed u shaqaynayo.

Alxamduleh maanta maxamed wuxuu xilka maamule hayaa muddo hal sano ku dhawaad ah waa wakhti kooban oo aan isbadalka intaa leeg lagu samayn Karin, lakiin maxamed wuxuu noqday shaqsiga kaliya ee hirgaliya isbadalkaa isagoo habeen dharaar iyo waliba wakhtigiisa galiyey siduu uga midho dhalin lahaa qorshihii maamulka sare ee wasaarada ee uu gadhwadeenka ka ahaa wasiirka wasaarada duulista hawada Maxamud xaashi cabdi, maanta madaarka caasimdu wuxuu ka mid yahay madaarada noqoday isku xidhka, waxaana sabab u ahaa ilaahay ka sokow maamulaha dada yar ee maxamed yusuf ismail.

Akhristoow waa qof nooceeya Maxamed Yusuf Ismail?

Waa nin diiniya, waa aqoonyahan leh aqoon maadiya iyo mid diiniya, waa hogaamiye leh sifooyinka lagu yaqaano hogaaminta wanaagsan, ilaahay haduu qof karti u dhaliyey waa nin karti badan, waa nin dabeecadiisu tahay mid dadka oo dhami ku farxaan, waa nin dulqaad ilaahay ku manaystay, waa nin dagan oo wax walba ka fiirsada, waa nin dadaal badan oo hadh iyo habeenba dadaala, waa nin leh qorshe iyo hiigsi dhow iyo mid fog, waa nin ka midho dhaliya qorshayaashiisa, waa nin hawl kar ah, waa nin fikir badan oo fikirkiisuna mar walba yahay ka loogu qaadashada badan yahay, waa nin akhlaaqad wanaag ku caan baxay, waa nin talad aan kaligii qaadan ee jecel wada tashiga, waa nin aan ahayn digtaatoori ee ah nin talada qaybiya, waa nin cisi iyo sharaf badan, waa nin …………

Akhriste la soco qormooyinka kale ee taariikhda ma hadho ee hogaamiyaha dada yar ee Maxamed yusuf ismail….

Axmed Yaasiin