Maalinta Xuska Shuhaadadu Waa Maalin Ku Qaalya Jiritaanka Somaliland Qofkasta Oo Aaminsan Jiritaanka Qaranimada Somaliland

Dabaqyada dhunkaasha ah

Ninkii duubi kala baxay

Durba soo rogaal celi

Dooraalayaashii

Weli ways dalbanayaan

Damac iyo hungurigii

Sii durug hankoodii

Darka laysu mari waa

Xaajada delleganta ah

Weli dawliskeedii

Dandan buu ku dhacayaa

(Debad yaal Hadraawi)

Maalinta xuska shuhaadadu waa maalin ku qaalya jiritaanka Somaliland qofkasta oo aaminsan jiritaanka qaranimada Somaliland waajib ku ah inuu xusu.

SNM waxay ahayd horseedkii halgankii hubaysnaa ee loosoo maray hanashada qaranimada Somaliland.  Waa arrin daciifinimo ah inaad geesigaaga u yasdo ama xaqirto urur ayuu ahaa aniguna kumaan jirin.

Haddii SNM dalka ka dulqaaday cadawgii haystay ma waxaa loogu abuul gudday in lagala dagaalamo maalinta kaliya ee shuhaadadu ku yeelatay 360 maalmood ee sanadka ee maalina dalka laga xuso ‘maalinta beenta’ maalinta kaneecada’

z

iyo maalmo kale oo gaalo ku dhimtay Yurub loo ubax dhigo.

Waa arin daciifnimo ah qarankana nusqaan ku ah waxaanu leenahay fargalinta iyo cunaqabtayta halaga daayo maalmaha qaran ee in yar oo garasho gaabani doonayso inay isku dayaan inay taariikhda ka saaraan.

Waxaanu halkan canbaarayn uga diraynaa masuuliyiinta u tafa xaytay inay maalintan qiimaha leh carqaladeeyaan ciidankan dul dhigay goobihii loogu talo galay in lagu qabto xuska maalinta Shuhaadada.

Maalintan waa laxusayaa inta Somaliland jirto, maalintan qofka xaqiraana waa danbiile ka liita cadawgii dalka laga kiciyay.

Xus oo Xusuuso 17 – 10 – 1984

Remember Them on 17 – 10 – 2014 And Always

Allah Mahad Leh

Axmed Maxamed Good

Ururka Miir Maalka Somaliland (UMMS)

miirmaal@outlook.com