Maali Oo Markii Ugu Horaysay Laga Helay Ebola

(SLT-Bamako)-Dowladda Mali ayaa ku dhawaaqday kiiskii ugu horeeyay ee Ebola ee dalkeeda lagu arko.

Gabadh laba-sano jir ah ayaa laga helay caabuqa, waxaana hadda lagu daweynayaa galbeedka dalkaasi.

Gabadhan yar ayaa dhowaan soo gaadhay dalka Mali, waxayna ka soo gashay dalka ay jaarka yihiin ee Guinea – oo ka mid ah seddaxda dal ee xuddunta u ah Ebola.

Waxaa loo qaaday magaalada Kaay ee galbeedka Mali, kaddib markii ay xanuunsatay.

Dhiig laga qaaday gabadhan ayaa lagu soo baadhay caasimadda dalkaasi ee Bamako, oo 600km u jirta meesha lagu dabiibayo.

 

141024003838_mali_ebola_kid_624x351_reuters

Dowladda Mali ayaa shaaca ka qaaday in natiijada baadhitaanka ay ka soo baxday in gabadha uu ku jiro jidhkeeda caabuqa Ebola, waxaan arrintaasi lagaga dhawaaqay TV-ga qaranka.

Isbuucii hore Mali waxaa tagay dhaqaatiir ka socotay WHO, oo qiimeyn ku sameeyay sida dalkaasi ugu diyaargaroobay ka hortagga Ebola.

Mali ayaa xuduud la leh seddaxda dal ee cudurka uu ku dhuftay ee Guinea, Sierra Leone iyo Liberia, waxayna feejignaan heersare ah uga jirtaa kiiskas Ebola ah oo dibadda kaga yimaada.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com