Maahmaahyada saddex leyda…Q…2aad W/Q: Cali Cabdi Coomay

Nin kaa faras wanaagsan maalin ma gaadhi · Nin kaa maal badan sannad ma gaadhi · Nin kaa naag wanaagsan weligaa ma gaadhid

Saddex baa Ragga ugu liita.

cali-coomay

·         Tolkii cay

·         Taagtii kibir

·         Tarankii la colow

Saddex baa Raggu wadaagaan

·         Magaca

·         Magta

·         Muuqa

Saddex wer-wer bay kugu dishaa

·         Faras xun

·         Naag xun

·         Hoy xun

Saddex lalama coloobo

·         Nin codkaaga yaqaan

·         Nin cagtaada yaqaan

·         Cin cidaada yaqaan

Saddex laysma siiyo

·         Sawjad uu nin xareystay

·         Sac sabool u irmaan

·         Abuur caadil ku siiyay

Affo dumar waa saddex

·         Kuu toosa

·         Kula toosa

·         Kaadi la toosa

Saddex kuma daryeesho

·         Dumaal haween

·         Doqon

·         Dal shisheeye

Saddex wey ku huddaa

·         Hadh arooryo

·         Hogol xagaa

·         Hilaac basari

Saddex baa bulshada cuqubeysa

·         Boos goblomay

·         Bikrad

guumawday

 

·         Bidaar caydhi hayso

Saddex saddex ma dayso

·         Dumar sheeko ma daayaan

·         Raggna guure ma daayaan

·         Libaaxna boodo ma daayo

Saddex saddex bay ku bartaa

·         Beentu faankay ku bartaa

·         Baryaduna fadhigay ku bartaa

·         Baahiduna ducaday ku bartaa

Saddex laguma galo

·         Gaajo guri og

·         Dardaro garab og

·         Gabow geeri og

Saddex baa ragga u sii daran

·         Taada ma yeele

·         Tiisu kuma bixiso

·         Tuu keenana kuma deeqdo

Saddex dumarka laguma galo

·         Ma hoyato

·         Ma hadhsato

·         Ma hamido

Saddex saddex maaha

·         Hilib sooryo maaha

·         Doqoni sokeeye maaha

·         Suugaani hadal maaha

Saddex ilaahay wuu awoodaa, kaamase yeelo

·         Guursan maayee hay goblansiin

·         Xoogsan maayee xoolo I sii

·         Ku caabudi maayee hay cadaabin

Saddex weligaa ma gaadhid

·         Nin kaa faras wanaagsan maalin ma gaadhi

·         Nin kaa maal badan sannad ma gaadhi

·         Nin kaa naag wanaagsan weligaa ma gaadhid

Saddex saddex waa u abaar

·         Dumar abaartood waa ubad la’aan

·         Rag abaartood waa arrin la’aan

·         Geel abaartii waa ilko la’aan

Saddex faa’iido ma leh

·         Onkod xagaa

·         Irmaan dameeraad

·         Arrin colaadeed

Saddex fulaynimo ayaa leh

·         Kaw-kaw hadalka loo yidhaa

·         Kalaf kalaf loo socdo

·         Kadlo wax loo cuno

Saddex way gaboobaan

·         Cod wanaagsan

·         Timo wanaagsan

·         Weji wanaagsan

Saddex aamuskay ku wacan tahay

·         Marit

·         Gabadh

·         Amuume

Saddex fadhigay ku wacan tahay

·         Marwo

·         Suldaan

·         Geel xereed

Saddex reer laguma dhaqo

·         Rixin goys

·         Rogrogis la’aan

·         Raali la’aan

Saddex waa laga tagaa

·         Gob cadhootay

·         Gun kibirtay

·         Gole ceebeed

Saddex bay ahaayeen dumarkii hore

·         I dheh aan dhegaystee

·         Ii dhiib aan kuu dhaqee

·         Iga dhal aan dhunkadee

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

 

Tix-Raac:

maahmaahyada saddexlayda ah……………………… Jaamac Biixi Muuse