MA RABTAA INAAD GUURSATO XAASKII KOWAAD AMA LABAAD

Hordhac:-qormadan waxaan kaga faaloondoonaa wacaalkayga “ogoolkayga” iyo hadba inta ay garashadaydu ka gaadho, muwduucan salka ballaadhan, maxamed xaashi dhammac garriye “naxariis janno raxmaanku ha siiyee”, ayaa laga hayay (nin raggii eraygiisa afeef buu ka dhigtaaye, rabow Eex ma tiraabine aqoon ha igu cadaabin) shinkii afarta Gu’ahaa ee aan ku dhex jiray baadhitaanka iyo lafa gurka arrimaha Qoyska wixii iiga baxay aan wax ka soo qaato . Waa arrin fikirkeeda dad baan aan ku kala Gedisanaan karno, wixii Gorfeyn ah na diyaar ayaan u ahay. Cidii si wax iila aragtana waan u mahadnaqayaa, cidii I dhalliishana waan soo dhaweynayaa.

Obucda Qormadan:- si qoraalkaygu u noqdo mid lagu kalsoonaan karo, Aqoon ku dhisan isla markaana xambaarsan waxa aan u aqaano “Runta

qadhaadh”, waxaan sal uga dhigayaa, Cilmi baadhis aan markii hore sameeyey 2012, oo aan waday muddo laba Gu’ah, markii danbena wax ku darayGu’gii 2013, kuna soo bandhigay Muuq-baahiyeyaasha ay ka mid ka yihiin,Universal TV, Radio Television of Djibouti, Horn cable. Royal TV. Iyo Radio Faana.

Guurka, wakhtiga iyo Duruufaha, Ragga iyo Dumarka.

Guurka:- waxaan laba isku khilaaf-saneyn qiimaha iyo muhiimadda Guurka, waxa kale oo iyana jirta in guurkii Yaraaday, Deegaanada qaarkood haddaan farta kufiiqo Laga soo bilaabo Diri-dhaba ilaa Jabbuuti dhinaca kalena Jabbuuti ilaa Wajaale dib haddaan u noqdana wajaale ilaa Burco. Deeganadan Marka dhul weynaha ummadda somaaliyeed ku dhaqantahay loo eego, waa laga weyn yahay. Hayeeshii mihiimadiisa ayuu leeyahay, Marka aan ka hadlayo Guur yaraanta Bal Astaan ahaan aan u soo qaato Meesha aan Asal ahaan ka soo jeedo, waa Soomaalilaand.

1.0: Guurka Soomalilaand; Ammin walba waxaan Qalinka ku adkaynayaa in dhaqanku Nolosha iyo guurkaba maamulo, sidoo kale duruufaha iyo kala gedisanaanta waayaha noloshuna saameyntooda ku leeyihiin “Hab-sami u socodka Guurka”, cilmibaadhistaydu waxay daaha ka qaaday in wadarta guud ragga reer Soomaalilaand tahay 40% halka dumarkuna ka yihiin 60% laba tirro ayaan mid kastaba gaar kiisa hoos ugu daadegiyaa.

1.1: Raggu Soomaalilaand Bulshada waxay ka yihiin 40%

Waxaa jira kala duwanaansho badan oo ragga iyo dumarka ah, tusaalaha ugu weyn waa; Raggu haddii uu Balwad yeesho, balwadaasuna noqoto mid jiidatay ama uu si xad-dhaafa u isticmaalo, waxu ilaabaa inuu reer dhisto, ama guursado, halka dumarka hadday si kasta balwadi u jiidato aanay marnaba Qalbigeeda ka baxayn inay reer dhaqato.

Tiradan 40 % ee ragga ayaan waraaqo cilmiyeed su’aalo ku jiraan u qeybiyay, waxaa ii soo baxday in 25 % ay Balwada jaadka ku mashquulsan yihiin oo wakhtigan aanay diyaar u ahayn Guur. 8 % ay ku mashquulsan yihiin dhoof oo ku jiraan qorshihii ay dalka kaga bixi lahaayeen, waxaa hadhay 7 %, Rag kamida ayaa qalbigoodu u soo jeedaa Guur, waxa ku gadaamin,

ü Guurkii oo qaali ah,

ü Maciishadii oo qaali ah,

ü kiradii guryaha oo qaali ah,

ü Arooskii oo lacag badan in lagu tumo u baahan,

ü shaqo la’aan baahsan oo jirta,

ü Dalka oo mushaharo qoys ku filan aan lagaga shaqeyn inta badan ,

ü fursadaha shaqo oo Qabiil iyo qaraabo kiil lagu helo. Iyo qaar kale oo badan.

1.2: Da’da guurka ragga reer Soomaalilaand

Haddaad arrintan hoos u gasho dal kastaaba wuxu leeyahay da’ raggiisu ku guursadaan haweenka, da’daas oo ku xidhan hadba dhaqanka ama dhaqaalaha ummadaa, teena haddaan u soo noqdo, ragga reer Soomaalilaand ee dalka ku sugan celcelis ahaan waxay ku guursadaan da’da (35 jir). Mar aan su’aashan wakhtiga ay guursadaan ku saabsan waydiiyey 321- wiil, jawaabta shaxanka hoose ka eeg.

203 wiil waxay yidhaahdeen

30 jir ilaa 35 jir

55 wiil waxay yidhaahdeen

25 jir ilaa 30 jir

20 wiil waxay yidhaahdeen

18 jir ilaa 24 jir

Shaxankan oo ay inooga soo baxayso, astaan beegga guud ee Da’aha dhallinyarada reer Soomaalaand ku guursadaan, halkaa marka aynu joogno waxaynu milicsanaynaa arrimaha kale ee la hal-maala Da’ guurka, waana fogaan-shaha cimri ama hilaaddeed ee u dhexeeya lammaanaha Is guursanaya, Dunidu in badan ayay ku dadaaleysay in la isku dhaweeyo da’da lammaanaha is guursanaya daraasaydu markay baadhay dhib ka imanay haday da’ahaan lammaanuhu aad u kala weynaadaan, isa “321”kii wiil ayaan waydiiyay Da’da dumarka ay guursanayaan, shaxan kan hoose ila eeg:

222 wiil waxay yidhaahdeen

17 jir ilaa 19 jir

80 wiil waxay yidhaahdeen

20 jir ilaa 25 jir

19 wiil waxay yidhaahdeen

25 jir ilaa 30

Shaxankani waa callaamad tilmaamaysa in Ragga reer Soomaaliland90 % ay jecel yihiin inay guursadaan gabadh ugu yaraan ka yar 17 sannadood, taasi macneheeduna waxaa weeyaan, in wiiil kasta oo guursada gabadh ka yar 17 sannadood uu ka soo dul booday 17- Fac ama lod oo gabdho ah, mar kale aan eegno waxa dhici kara haddii (8000) wiil ay ku guursadaan Da’da “35 jir” guursadaan gabdho “18 jiro ah”, waxa sababayaan in sannadkiiba(136.000) hablood ay gaadhaan Da’da 35, iyagoo aan guursan, wax rajo ah oo sidaa buuranna u muuqan.

Qadarkooban haddaan dib raadraac ugu samayno qoraalkeena, waxaa kor ku xusan in7 % ragga ay diyaar u yihiin inay guursadaan dhinaca kalena waxaad u qeybisaa 60 % oo haweenkii ah oo diyaar u ah inay guursadaan, wiilkiiba waxaa ku haggaagaya (8 hablood)

Haddaan doodda dhinacaa iska taagay, waxaa ii soo baxday mihiim’nimada haddii la helayo rag wanaagsan oo waajibaad ka saaran gudanaya inay guurka badiyaan, hadday shuruudahan hoose buuxin karaan.

Ø Waa inuu nin ku yahay nin awood dhaqaale oo labada reer uu ku wadi karo leh.

Ø Waa in ragganimadiisu dhammaystirantahay oo ku filanyahay labadda xaas.

Ø Waa inuu yahay caddaalad u samayn kara labada xaaas.

Ø Waa inuu nin go’aan qaadasho wanaagsan, dhammaan hawl maalmeedka noloshu waxay u baahan yihiin go’aan qaadasho wanaagsan, gaar ahaanna hawlaha qoysku, marku nin ku rabo inuu laba xaas wada qabo, 1) way isku hinaaayaan, 2) way ficiltamayaan, 3) way dartamayaan, 4) way is xaasidayaan, 5) mashaakilaad ayay gacmahooda ku Abuurayaan, 6) midba mida kale ayay u fiirsanaysaa, 7) midba mida kale ayay ku odhanaysaa waad iga jeceshahay, gabi-ahaanba hawlahaa kor ku xusan waxaa ka dabaalan kara nin Go’aan qaadasho wanaagsan oo daganaan iyo waayo aragnimo nololeed leh.

Looma bahna nin isku buuqa, fikira oo wax weyn iskaga dhiga dhibaatooyinka qoyska, waxaa loo baahan yahay nin daganaan badan muujiya.

Ø Waa inuu yahay nin yaqaan xaquuqda lammaanaha oo kala fahmi kara, ugu yaraan wixii isagu uu xag u leeyahay iyo waxa xaasasku xaq ugu leeyahay.

Nyyyy

 

Intaas oo shuruudood Nin ka soo bixi kara waxaa mihiima inuu reer labaad sameeyo, faa’iidooyinka ugu waaweyn ee labada reer laga dheefana waxaa ka mida, tafiirtaada oo badata ama ubad badan oo aad dhasho.

1.3: Guurso xaas labaad haddii dhibkani ku haysto…………

ü Haddaad awood dhaqaale u leedahay xaas labaad.

ü Hadday jirto duruufo dhaqan qoys oo aad ka dareentay xaaskaaga sida, xaaskaaga oo kulul ama dhibbadan,

ü Haddii xaaskaagu aanay kuu wanaagsanayn, dhinaca dhaqanka reerka gaar ahaan Gogasha ama cunto karinta.

ü Haddii aad muddo dheer xaas lahayd oo ilaahay wax ubadda aanu idin kala siin, adiguna intaad dhakhtar tagtay baadhitaan caafimaad kadib kuu soo baxday inaad “wax dhali karto” haddii rabi Qoro.

ü Haddaad leedahay hammo ama dareen aad u badan oo baahida badana awgeed aad dareento inay xaaskaagu dhibsanayso.

1.4: Guurka Qar iska xoornimada……

ü Haddaad qabto xaas shaqaysa, reer ladan ka soo jeeda, duruufo dhaqaale oo badan kaala soo dabaalatay, carruur dhawr ahna kuu haysa.

ü Haddaad carruur badan oo isku-nuugga leedahay, ogtahayna in reerkaagan ku burburayo guurka xaaska labaad carruurtuna kaa dayac mayso.

ü Haddii xaaskaaga hore oo wakhti badan aad nolosha wada qaadateen ay leedahay wadne xannuun ama dhiig kar, oo aad ka baqayso haday maqasho inaad guursatay cadhada hinaasaha dartii ay dhibi soo gaadhi karto sida wadnaha oo istaaga ama dhinaca oo qalala.

1.5:Ka dhaadhicinta xaaska inaad guursanayso waxaad u baahantahay……

ü Inaad si fiican u daristo dhammaan dabeecadaha xaaskaaga, gaar ahaana wakhtiga ay cadhooto iyo inta cadhadeeda ugu badan ay saamayn ku yeelato nolosha qoyska,

ü In maalmaha aad soo wadato guurka xaaska labaad aad gabadho ku daydo waxyaabo ay ka hinaasto, si aad mashkaxa ugu sii eegto.

ü Inaad gabadha masaajidka u kaxayso, si ay muxaadirooyinka u soo dhagaysato, oo hadhow haday hinaasto aad dhinaca diinta uga soo marto.

ü Inaad u soo duubto muxaadirooyin ka hadla “xuquuqda lammaanaha”, si ay ugu qanacdo in (ilaahay kuu fasaxay inaad reer kale samayn karto”.

ü Waxaa lagaaga baahan yahay inaad uga sheekayso ama wadaad ugu yeedho oo guriga aad ku soo casuunto si uu uga sheekeeyo “ taariikh Nololeedkii Nabi Maxamed N.N.K.H gaar ahaan Nabiga iyo xaasaskiisa”,

ü U soo urruri dhacdooyin wanaagsan oo dhex maray nin laba xaas leh ama ka badan leh, xaasaskiisu is ogol yihiin, carruurtu wada ciyaaraan, nolol wanaagsan ku jiraan dhammaantoodba.

1.6: Aragtida Qoraaga

Noloshan aan sawiray,saadilayay,wax ka qoray, ama ka talo bixiyay, waxay ku koobantahay aragtidayda iyo waayo aragnimadayda Goortii aan arrintan wax baadhayay oo waliba ku kooban Geeska Africa.

Haddii akhristayaashayda qaar kamida ay joogaan meel ka baxsan geeska Africa, wixii xog ah ee khusaysa arrimahan Qoyska, waxaan soo dhaweyn lahaa inay dhambaalo iigu soo diraan ciwaankayga “ Somaliland_author@yahoo.com”, cidii guud ahaan qormadan wax gef ah ku aragta, waan soo dhawaynayaa inay ii sheegaan, waxaanan markasta jecelahay inaan isa saxo. Waxaan hubaa qof kasta uu Gef samayn kara.

1.7: Guubaabada Qoraaga ee dhallinta aan guursan wali.

Naftayda iyo Ta wallaalahayga dhallinyarada ah ee aan wali guursan-ba, waxaan kula talin lahaa inay guursadaa, inkastoo guurku Qadar Allah ku yimaado, muddo seddex sanno ah waxaan niyada ku hayaa inaan guursado, Baahida ugu weyn ayaan guur u qabaa, Habeen kaliyaata ma jecli inaan keli seexdo, way wanaagsanaan lahayd inaan Sarriir diiran ka soo toosa, laakiin wali ilaahay ilaahay ma qadarin,

Arrinta ugu weyn ee aan dhallinyarada ka waaninayaa waa:- in aanay badin shuruudaha ay ku xidhayaan guurkooda gaar ahaan marka ay soo gaadho xulashada lammaanaha. Markastana waxaan hogo tusaale u soo qaataa, haddaad tidhaa:-

A) waxaan u baahanahay inaan Gabadh guursado:waxaa kuu bannaan dhammaan haween weynaha adduunka.

B) Waxaan u baahanahay inaan guursado Gabadh African ah:waxaad halkaa wayday dhammaan hablihii qaaradaha kale u dhashay.

C) Waxaan u baahanahay inaan guursado Gabadh soomaaliyad ah:waxaad hadana wayday hablihii kale ka soo kale jeeday dhammaan qoomiyadaha kale ee Africa ku dhaqan.

D) Waxaan u baahanahay inaan guursado Gabadh reer soomaalilaand ah:halkaana waxaaga hadhay haweenkii kale soomaaliyeed ee ka soo kale jeeday Jabbuuti, Soomaaliya, Kenya, Dawlad deegaaneedka Soomaalida Itoobiya.

E) Waxaan u baahanahay inaan guursado Gabadh reer Hargaysa ah:halkaana waxaad kaga tagay hablihii kale ee gobalada soomaalilaand.

F) Waxaan u baahanahay inaan guursado Gabadh reer sheekh madar ah: waxaad ka guurtay hablihii kale shanta dagmo ee caasimada daganaa.

G) Waxaan u baahanahay inaan guursado Gabadh reer sheekh madar ah oo dhuuban , Cas, dheer:markaad dooratay gabadh xaafad kamida magaalada hargaysa dagan, aanad ka sii dooratay, Midab cas, dherer iyo dhuubni, halkaa waxaad kaga tagay, hablihii shuruudahan aad sheegtay aan lahayn ee xaafadan aad dooratay daganaa oo dhan.

“Waxba qalinku yuu ila tarraarixine, Obocda Guubaabadaydu waxay daarantahay in markasta oo shuruudaha guurka aad badiso ay yaraanayso fursadda suurto galnimada inaad guursato”,

1.8: Midhka Qoraagu odhanayo Ragga Xaasleyda ah

Qof walba isagaa is qiyaasi kara, markaad is qiyaastaan haddaad dareentaan inay jirto fursad aad reer kale ku dhisi karto, dhis waxaanad ogaataa inay jiraan hablo badan oo wanaagsan oo guryahooda jooga, iyaguna u baahan guur iyo nolol, una qalma in nolosha lala wadaago, waliba tabanaya in raggii balwad ku mashquulay, haweenkaasina idin tuhmayaan oo halku dhiggoodu yahay (nin kii wanaagsanaa Naag baa haysta)

1.9: Ducada

Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu inoo barakeeyo Guurka, Haweenka Ubadka iyo noloshaba, inagana dhammeeyo khilaafaadka qoyska, Ilaahayow Gabadh kasta oo ummadan ka mida oo xaqii nin keeda ay ku lahayd wayday u gargaar, Ilaahow Gabadh kasta oo nin keedii ka dhintay oo carruur agoona la dhibaataysan farash khayr leh u keen.

Ilaahow Ragga masuuliyada noo garansii,

Ilaahow haweenka iyo ragga ba intii lunsan noo soo hannuuni.

Ilaahowifka nolol wanaagsan oo raaxo leh aakhirana janno ayaan ku waydiisanay.

Amiin …… Amiin …… Amiin …

Wixii su’aal Xidhiidhka Qoraaga: 4442363