“Ma Jiro Qof La Taliye Ii Ah Oo Al-shabaab Xidhiidh La Leh” Xasan Sheekh Maxamuud

(SLT-Muqdisho) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmuud ayaa sheegay inaanu jirin ruux la-taliye u ah oo xidhiidh la leh Al-shabaab, hubka dowladdana u weeciya, isagoo sheegay in ruuxa eedeyntan loosoo jeediyay aanu la taliye u ahayn.

Guddiga daba-galka cuno-qabteynta hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea ayaa warbixin ay dhawaan soo saareen ku sheegay in nin lgau magacaabo, Muuse Xaaji Maxamed Ganjab oo la-taliye u ah madaxweyne Xasan Sheekh uu xidhiidh dhow la leeyahay Al-shabaab, hubka dowladdana gacanta u geliyo “Ninka aad ku magacowday Muuse la-taliye ii ah, mana jiro ruux ka mid ah la-taliyeyaasheyda oo xidhiidh la leh Al-shabaab, waan been in hubkeenna loo gacan-geliyo Al-shabaab,” ayuu madaxweyne Xasan u sheegay Reuters.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa u sheegay Telefishinka France 24 in  aanu aamin-sanayn in eedeyntaas ay ka timid hay’adaha Qaramada Midoobay, balse ay kuwo si gaar ah loo sameystay.

Muuse Ganjab ayaa isaguna dhankiisa horay u beeniyay inuu wax xidhiidh ah la leeyahay Al-shabaab, isagoo eedeynta loosoo jeediyay ku tilmaamay mid la been abuuray, waxaana ganacsadahan oo dhalashada Canada haysta uu ku sugnaa sannadihii u dambeeyay Soomaaliya “Waxaan jeclaan lahaa in baadhayaasha Qaramada Midoobay ay cadeeyaan in Muuse uu weligiis ka mid noqday saraakiisha xafiiskeyga,” ayuu sidoo kale u sheegay madaxweyne Xasan Sheekh France 24 TV.

Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan daba-galka hubka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa warbixin sannadkan ay kasoo saareen Soomaaliya ayaa waxay ku sheegeen eedda loosoo jeediyay Muuse Ganjab, musuqmaasuqa baahsan ee dowladda Soomaaliya ka dhex-jira iyo in hubka dowladda lagu iibiyo laba suuq oo ku yaalla Muqdisho.

Madaxwaynaha Soomaliya

“Haddii ruuxan uu qalad sameeyay waa mid isaga u gaar ah… balse waxaan idiin caddeynayaa in labadii sano ee aan xafiiska joogay aanu jirin ruux lagu magacaabo Muuse oo ka mid noqday xubnaha ka shaqeeya xafiiskeyga,” ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sheekh.